Wasiirka Caafimaadka Oo Haayadaha WHO iyo MSF La Kaashanaya Ka Hortaga Iyo Jawaab ka Bixinta Xanuunka Corona

0
285

Hargeysa(Kaafimedia)-Wasiirka caafimaadka Somaliland Cumar Cali Cabdilaahi ayaa kulan degdeg ah isugu yeedhay haayadaha Somaliland ka taageera dhanka caafimaadka si ay qalab farsamo iyo waxii kaleba ay uga gaystaan xanuunka dunida ku faafaya ee Corona sidii ay uga hortagi lahaayeen, isla markaasna loo xakamayn lahaa hadii wax kiisas ay yimaadaan.

Wasiirka ayaa sheegay in dadka xanuunkaas qaada lagu wareejin doono haayada WHO si ay u karantiimayso isla markaasna ay haayado badan dhanka qalabka iyo baadhitaanada isaga kaashan doonaan, waxaanu kulankaas isaga oo warbaahinta kula hadlay uu yidhi  “ Ujeedada ugu weyn waxa weeye kow wasaarada caafimaadku ilaa hada talaabooyinkii ay qaaday ee ay ugu diyaar garoobaysay alle inaguma keenee  hadiiba ay dhacdo in xanuunkaasi ina soo gallo  markii aan anagu dib qiimayn u samayno ee aan qiimaynay khibradii,agabkii isku xidhkii ay diyaar garowgii iyo fahamkii markaanu qiimaynayna waxa soo baxay  in ay qasab noqotay inaan la xidhiidhno haayadaha aan bahwadaagta nahay  ee aan wadda shaqayn jirnay si iyaguna aqoonta iyo agabka iyo farsamadaba ay wax ugu daraan  oo aan is kaashano, xanuunada faafayaa aduunkana hore ayay u soo mareen waanay soconayaan laakiin waxa cusub waa isku socodka dadka oo sidii uu ahaan jiray ka badan meel walba aduunyada oo keenaya in xanuunadu habkii ay u faafayeen ay is badalaan, haayad walaba iyo urur walba hada wax cad kaalinta uu ka qaadanaya  iyo sida uu hawshaas diyaarka ugu yahay.”

Wasiirka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “ Waxaan isla qaadanay inaan samaysano isku xidh u dhaxeeya wasaarada horrumarinta caafimaadka  iyo haayadaha caalamiga ah iyo kuwa kaleba oo lagu wadaagayo xogta ama ha la xidhiidho agabka amaba ha la xidhiidho hadii xanuunka xaalad la arko habka loo wadaagayo, waxa kale oo aan isla garanay in marka qof xanuunkaas looga shakisan yahay baadhitaankiisa ay arintaasi noqoto mid WHO  ay gacanta ku qabato sida oo kale haayada MSF ay iyaduna qayb ka noqon doonto, waxa kale oo aan isla garanay in la socodka xogta aynu u baahanay tabobaro iyo qiimaynta xaalada in laga wada socdo.”

Kaafimedia