“Arrinta Saami-qaybsigu Maalinta Doorashadu Dhacdo, Ayaanu U Doonanaynaa Halka Uu Yaallo Oo Aanu Garanayno”

0
47

“Waxaan qaranka Somaliland u sheegayaa in gobolka Awdal Doorashadu ka dhacayso wakhtiga lagu heshiiyey..” Siyaasi Cabdinaasir Buuni

 “Sidii  ay Salaadiinteenu kala soo noqdeen shirkii ay Hargeysa kula qaateen Madaxda qaranka ee ay ku ogolaadeen in Doorashadii la qabto ayaanu annaguna ku taageersanahay…”Madaxdhaqameedka Awdal

Reer Awdal oo Saaftin laba ah u kala dhigay qabsoomida Doorashada iyo tabashada saami-qaybsiga

Hargeysa(Kaafimedia)-“waxa lagu heshiiyey oo ay xisbiyadii iyo madaxdii ku heshiiyeen in Doorashada la qabto ee haddana ma dawladda ayeynu ka hor-nimaadnaa? waa maya ee waxaanu taageeraynaa in Doorashada la qabto..”sidaasi waxa shir jaraa’id ku sheegay xubno kamida madaxdhaqameedka gobolka Awdal oo Arbacadii shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Boorama, kuwaasoo si cad u saafay in aanay isku-lamaanayn tabashadooda saamiga kuraasta Golaha Wakiillada iyo qabsoomida Doorashada dalka ka dhacaysa sanadkan 2020-ku.

“Arrinta saami-qaybsigu maalinta Doorashadu dhacdo, ayaanu u doonanaynaa halka uu yaallo oo aanu garanayno” ayey ku cadeeyeen mowqifkooda Isimadan oo isugu jiray Salaadiin, Garaado iyo Cuqaal ka soo jeeda Deegaamada bulshada ku dhaqan gobolkaasi.

Kaddib, heshiis ay daneeyayaasha Doorashada Somaliland qallinka ku duugeen todobaadkii tegay, kaasoo lagu go’aamiyey in sanadkan gudihiisa la qabto Doorashada Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka oo isku-sidkan iyo in doorashadaasi lagu galo sidii hore loogu galay, waxa jiray isdiidmooyin ku saabsan saamiga kuraasta gobolada ee golaha Wakiillada, taasoo tabashadeedu ay  tahay qadiyad laga siman yahay gobolada dalka ee Doorashooyinka ka dhacaan badankooda, loose kala dood badan yahay.

“Sidii  ay Salaadiinteenu kala soo noqdeen shirkii ay Hargeysa kula qaateen Madaxda qaranka ee ay ku ogolaadeen in Doorashadii la qabto ayaanu annaguna ku taageersanahay oo aanu talo kula nahay”ayey ku sheegeen beyaan Isimada gobolka Awdal oo dhalinyarada gobolkaasi ugu baaqay in ay maslaxada umadda uga shaqeeyaan sida ay ku hagaagi karto ee lagu gaadhi karo natiijada wax ka qabashada tabashadooda.

Xubno kamida Madaxdhaqameedka gobolkaasi oo todobaadkan ka qaybgalay kulan lagu qabtay qasriga madaxtooyada oo ku saabsanaa sidii dareen midaysan loogu geli lahaa howsha qabsoomida Doorashada, ayey qaarkood ka biyo-diideen in arrinta saami-qaybsiga dib loo dhigo oo laga wada hadlo marka doorashadu qabsoonto kaddib.

Kaafimedia