Sheekh Dirir oo Bulshada ku Baraarujiyey Ka Faa’iidaysiga Fadliga 10-ka Maalmood ee bishan Dulxijja

0
61

Hargeysa (Kaafimedia) Sheekh Maxamed Sh Cumar Dirir ayaa sheegay bulshada ku booriyey soomka sunnaha maalinta Carafo oo Nebigu CSW sheegay in laba sannadood dunuubtooda lagu dhaafo, iyo ku dedaalida acmaasha wanaagsan maalmahan oo ah kuwa Ilaahay SW ugu jecel yahay sannadka oo dhan.

Khudbadii Jimcaha ee shalay oo Sheekh Dirir kaga hadlayey fadliga 10 maalmood ee bisha Dilxija ayaa yidhi, waxaynu ku jirnaa maalmahii ugu kheyrka badnaa sannadka oo ah maalmahan aynu ku jirno, oo caddeynayso sida Ilaahay SW ugu dhaartay, “ wal fajri, wa layaalal cashri” culimada tafsiirku waxay ku tilmaameen 10 maalmood ee ugu horeeya bishan dilxija.

Nebi Maxamed NNKH waxuu xadiis saxeex ah ku sheegay “ayaamaha aduunka waxa ugu fadli badan 10-ka maalmood ee u horeeya bisha Dilxija, waxa ku jirta maalinta Carafa. Waxa maalmahan fadligooda ka mid ah inuu ku jiro maalinta Ciida, sida xadiis kale Nebigu CSW ku sheegay “Ilaahay agtiisa maalmaha waxa u fadli badan maalinta Ciida Carafa iyo maalinta ku xigta.

Ibnu xajar RC mar uu sharxayey waxuu yidhi maalmahan waxa fadliga u yeelaya cibaadooyin waaweyn iyo arkaanu islaamkii ayaa ku jira, Tawxiidkii ayaa ku jira, Salaadii Ciida, maalmahan waa la soomayaa, Xajkii ayaa la gudanayaa, sadaqadii iyo Gowracii ayaa lala imanayaa.

Sheekh Dirir oo ka hadlayey acmaasha maalmaha la qabanayo ayaa yidhi,

“Nebigu CSW waxuu ku tilmaamay acmaasha maalmahan la qabto yihiin kuwa Ilaahay SW ugu jecel yahay” asxaabtu waxyaalahii fadliga badan ku ogaayeen Jihaadka ka mid ahaa, markaa waxay weydiiyeen jihaadkii miyuu ka fadli badan yahay? Haa ayuu Nebigu CSW ugu jawaabay, camalka la qabto maalmahan, ilaa qof jihaadka u baxay, oo naf iyo xoolo aan soo noqon.

Acmaasha maalmahan la qabanayo waxa ugu fadli badan Xajkii iyo cumradii la gudanayey. Nebigu CSW waxuu tilmaamay labada Cumro inta u dhexeysa Ilaahay SW dembiguu ku dhaafaa, Xajka lagu samo-falayna, abaal kale ma laha aan Janno ahayn.

Mar uu ka hadlayey acmaasha loo baahan yahay inaynu ku camirno maalmahan ayuu yidhi Sheekh Dirir, soomka, qofkii caafimaad qaba wuu wada soomi, kii kalena waxuu ku mintidi maalinta Carafo inuu soomo, sida Nebigu CSW xadiis ugu tilmaamay “Maalinta Carafo soonkiisa Ilaahay SW waxaan kaga sugayaa inuu iigaga dhaafo dembigii sannadkii hore iyo dembiga sannadka soo socda”

Waxaynu ku camiraynaa salaadaha sunnaha inaynu badino, sida xadiis qudsi Ilaahay Sw ku yidhi “Adoonku mar kastoo salaadaha sunnaha uu badiyo wuu ii soo dhowaanayaa, ilaa aan jeclaado,”

Kaafimedia