Xukuumadda Aan Ku Dhiirigelino Waxay Qabatay Waxa Ka Qalddana Aan U Tilmaano.

0
49

Qore:- Cabdillaahi Aadan Cumar [Wayab] 

Waxa saameyn ku yeeshay guud ahaan dhaqaalaha adduunka cudurka COVID 19, kadib markay dalalka  dunidu albaabada kala kala xidheen xag dhul, cir iyo badba, si looga hortago faafitaanka xannuunka Korono-fayras oo xawliga faafitaankiisu si aad ah uga degdeg badan yahay Fayras-yadii hore usoo maray Caalamka, kaas oo markii ugu horreysay lagu arkay gobol ka mid ah dalka Shiinaha, kadibna si dhakhso badan ugu kala gudbay qaaradaha dunida oo dhan.

Xayiraadda isu socodka adduunka ee uu sababay cudurka COVID 19, waxa ka sii darrnaa oo la sii daadegay dhaqaalihii dalalka Caalamka banddoodii lagu soo rogay dadka magaalooyinka iyo sidoo kale tii la saaray dhammaan goobaha shaqooyinka sida kuwa ganacsiga, Wershadaha, duulimaadyada diyaaradaha, tareennada, gaadiidka dadweynuhu ugu kala goosho gudaha magaalooyinka, isla markaana albaabada loo soo xidhay guud ahaan goobihii Waxbarashada.

Iyadoo ay aafooyinka dhinacyada dhaqaale burburkaiyo iyo shaqo la’aanta ahi ka dhaceen dalalka adduunka oo illaa maantadaa aan joogno dalalkii ka hodmay xagga dhaqaalaha ay la jahawareersan yihiin sidii ay u dabooli lahaayeen dhibaatooyinka ka dhashay xannuunka COVID 19, gaar ahaan ta dhinaca dhaqaalaha oo saameeyey shaqaalihii ka kala hawl geli jira meelaha kala duwan sida, Hay’adaha  dawladda, Shirkadaha, Wershadaha, goobaha ganacsiga ee waaweyn iyo kuwa yar-yarba iyo sidoo kale mulkiilayaasha sida madaxabannaan u shaqeysta, ayaa faro-madhan isa soo taagay bishii ugu horreysayba, gaar ahaan dadka shaqaalaha ah heer kasta oo ay yihiin.

Waxa kale oo sii laba jibbaaray dhaqaale xumada soo wajahday dunida ee la curtay cudurka COVID 19 oo haatan Caalamku weli la rafanayo furdaamintiisa tan iyo bilowgii sannadkan, isbeddelka ku yimid qiimihii badeecadaha iyo alaabooyinka kale oo kor u kacay, taas oo ka dhalatay xidhitaanka dhammaan xarumihii wax soo saarka iyo kuwii ganacsiba waayo ma jiraan badeecado u kala gudbi kara dalalka dunida, maadaama uu kala xidmay isku socodka dalalka adduunku xannuunka Korono-fayras awgii.

Bal aynu imikana eegno sda uu u saameeyey COVID 19 dhaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ah dal aan weli ka helin Caalamka aqoonsi buuxa, balse haddana isku tashaday si uu u maareeyo aafooyinka dhinacyada badan ee ka dhashay xannuunkan, innagoo barbar dhigayna dalalka adduunka ugu tunka weyn xagga dhaqaalaha. Waxad si aad iyo aad ah u yaabaysaa markaad ku baraarugto sida ay Somaliland COVID 19 dhaqaale ahaan uga badbaaday, maadaama lagu tirnayey meelaha ay ka dhici doonaan masiibooyinka bani’aadanimo,  iyagoo ku sababeeyey, kana eegay xagga wax soo saarka inay ka mid tahay meelaha ugu adduunka ugu hooseeya.

Muddo Saddex sannadood ku dhaw oo ah tan iyo intay xilka hayeen Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Mudane Muuse Biixi, ayaa waxa jira arrin u baahan in la xuso oo ku lug leh dhinaca dhaqaalaha, taas oo ah markii kowaad ee la arko inaan la arag wixii inna wareeriyey ee la odhan jiray sicir-barabar iyo sarrif barbar, taas oo ay hore uga haysatay shacbiga dan-yarta ah dhibaatooyin dhinaca maciishadda oo noqoto mid ay qiimo ahaan goyn kari waayeen, marka ay subax walba kusoo toosaan qiimihii Kiilooga Sonkorta ah oo la dhaafiyey ku talo galkoodii qiimihii ay kaga tageen shalay, haseyeeshee maanta muddadaa saddexda sanno sii cagacagaynaysa subax kasta qiimha badeecadaha la quuto iyo kuwa kaleba waxad ugu imanaysaa halkoodii.

Somaliland-er kasta meeshuu doono ha joogee wixii dhaliilo ah ee run ah ee muuqda, dhaawac iyo laf-jabna ku ah Qaranimadeena, waa mid uu xaq u siiyey dastuurku inuu ka hadlo oo tilmaan iyo toosinba ka dhiibto, isagoo aan ceeb, cay iyo aflagaado kale u geysan Madaxda Qaranka oo uu ugu horreeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waayo dhammaantood innaga ayey inna metalaan, waayo waxaynu dusha u saarnay sharaftii iyo karaamadii Ummadda reer Somaliland oo dhan, sidaa darteed wax sheeg mooyee cay innagama gayaan.

Arrinta labaad ee lagama maarmaanka ah ee u baahan in la sheego, ayaa Iyana ah in aanay indhaheena iyo garaadkeenuba dhugan dhinaca xumaha oo kaliya, balse waa inaan qalbi furan oo waddaninimo ku eegnaa wax kasta oo wanaagsan oo ay Madaxda dalku u qabtaan shacbigooda iyo dalkooda, waayo waxay ku dhiirigelinaysaa inay dadaalkooda sii kordhiyaan, haddiise wixii ka qalloocda uun had iyo goor la buunbuuniyo oo sidoo kalena la barbar dhigi waayo waxyaabaha fiican ee ay qabteen, waxa ku dhacaya niyad jab iyo in shacbigu yahay mid aan u qalmin in wax wanaagsan loo qabto.

Indhaheenu waxa fiicana ha arkaan siday u arkayaan waxyaabaha qalloocday oo badankooda ku yar yihiin xaqaa’iqa dhabta ahi, waxana leeyahay Xukuumadda hadda talada dalka haysaa oo la kulantay xilli dunida kuwii wax haystay ka qeylinayaan dhaqaale burbur ka dhashay COVID 19, way ku amaanantay siday u dabooshay ee u gufeysay in dhammaan shaqaalha dalku bil kasdta helaan Mushaharooyinkooda, sidoo kalena ay ka badheedhay una dadaashay in aanu baaqan Mashruuca ay ku guuleysatay Xukuumaddani ee Shaqo Qaran iyo sdoo kale in aanay maciishadaha kala duwan iyo sarrifka lacagaha qalaad ka ilaalisay sabbeyntii haysan jirtay, taas oo qiimo u yeeshay Shillinka Somaliland, intaa iyo kuwa kale oo badanba way innaga mudan tahay inaan ku ammaano, taariikhda ayaana sheegi doonta.