Arrimaha Caafimaadka: Qaaxo/Dhaxan(TB).

0
36

Waxa aynu qormadeena maanta ku falanqayn doonaa xanuunka TB-da. Xanuunkani waxa uu ku dhici karaa badi xubnaha jidhkeena. Waxa aynu si gaar ah ugu eegaynaa qaybteenan maanta dhaxanta (pulmonary TB).

Cudurkani waa mid ka mid ah kuwa laga bogsado isla markaana ku jira xanuunada ugu badan ee faafa, keenana dhimasho aad u badan. Cudurkani waxa uu aad ugu badan yahay qoomiyado kala duwan oo ay Soomaalidu ku jirto. Waxa ay Hay’adda Caafimaadka Adduunku (WHO) shaacisay in ku dhawaad 12,000 oo qof laga helo xanuunkan dhulka soomaalidu degto sanad kasta.

Xanuunkan waxa keena nooc ka mid ah bacteria-da oo loo yiqaano mycobacterium TB. Ilma aragtaydan way ka dhib badan tahay marka loo eego difaaceena iyo habka loo baadhaba, ilma aragtayga kale. Waxa ay leedahay dux culus (xaydh) oo u sahasha In ay u adkaysato degaanka iyo weerarka hab-dhiska difaaca bini aadmiga. Waxa la aaminsan yahay in dadku ay yihiin keydka qudha ee bacteria –dan.

Waxa uu xanuunkani ku fidaa hawada halkaas oo qof qaba xanuunka hindhisada ama qufaciisu ay geliyaan hawada, mid kale oo caafimaad qabaana ka qaado, sidaana ay ku tagto sambabada. Cudurkan laguma kala qaado dharka oo la wadaago, weelka cuntada,  gacan qaadka iyo wixii la midka ah.

Bacteria-dan yar inaad qaado waxa jaan gooya dhawr qodob:-

Xadiga bacteria da ah ee lagu sii daayay hawada

Ribanaanta bacteria-da

Muddada uu u bandhigmay qofku bacteria-da

Difaaca qofka

Dhaqankeena waxa laga aaminsanaa xanuunkan in uu ceeb yahay dadkana lagu faquuqo. Taasi waxa ay kor u qaadaa tirada uu haleelayo xanuunkani iyada oo ay ugu wacan tahay bukaanka oo is qarinaya si aan loo irdhayn.

Xanuunkan waxa halis dheeraad ah ugu jira dadyawga ay ka mid ka yihiin:-

Hawl wadeenada caafimaad

Dadka la nool macaanka

Dadka qaba HIV/AIDS

Kalyaha oo hawl gaba

Xubnaha oo loo beero qofka

Nafaqo darrada

Noocyada kala duwan ee balwadaha

Inaga bulsho ahaan waxa kor u qaada halista xanuunkan goobaha lagu wada qayilo/ kolayada jaadka.

Marka ay soo gasho bacteria-dan jidhkeena waxa qabta difaaceena. Marka aynu eegno qofka hab dhiskiisa difaac xoog yahay, difaaciisu  waxa uu dahaadhaa unugyada ay ku jirto bacteria du si aanay u sii socon waxa kale oo uu ku wareejiyaa unugyo gaar ah oo ka tirsan difaaca. Hadii uu ka adkaado sidaas ayay ku dhimata, hadii kalena waxa ay sugtaa in mar uun uu hoos u dhaco  difaacu si ay u keento xanuunka. Qasab maaha qof kasta oo jidhkiisa ay ku jirtaa inay ka cawdaan astaamaha xanuunkan.

Astaamaha xanuunkani leeyahay ayaa ah:-

Qufac qalalan oo ka badan muddo 3 todobaad ah

Laabta oo xanuunta

Mararka qaar waxa uu tufi karaa qofku dhiig

Daal badan

Miisaanka oo luma

Xumad

Qadh-qadhyo

Dhidid habeenkii u badan

Xanuunkan waxa lagu baadhaa habab kala duwan oo ay ka mid yihiin:-

Dhiiga oo la baadho

Raajada laabta ( chest X-ray)

Candhuufta oo la baadho

Maqaarka oo laga eego

Waxa xanuunkan lagu daweeyaa daawooyin kala duwan oo isku dhafan. Waxa ay leeyihiin hanaan gaar ah oo lagula dagalaamo in ay bacteria-du iska caabiso. Dawadan waxa lagu qaataa goob caafimaad iyada oo uu ku arkayo hawl wadeen caafimaad ( direct observed therapy). Dawooyinkan ayaa ah bilawga hore 4 dawo oo la qaato mudo laba bilood ah. Bukaanku hadii uu ku ladnaado dawooyinkaa waxa laga joojiyaa 2 ka mid ah dawooyinka TB da, waxa uuna sii wadaa 2-da kale muddo 4 bilood ah. Hadii uu qof ku ka soo rayn waayo ama baadhitaanada dambe laga helo  waxa  diirada la saaraa in ay bacteria-du dawooyinkan u yeelatay adkaysi taasi oo badalaysa nooca dawooyinka iyo muddadaba. 3 bilood oo qofka bukaanka ahi dawo qaadanayay hadii uu baadhitaanka la mariyaa soo saaro in uu weli jiro cudurkii waxa loo aqoonsadaa in uu dhicisoobay qorshe daweedkaasi , waxayna badali doontaa jihadii loo socday.

Waxa qasab ah in la baro bukaanka saamaynta ay ku yeelan karaan dawooyinkani loona sheego halista ay ku keeni karaan. Qaar ka mid ah dawooyinkan ayaa waxa ay u baahan yihiin in xubno gaar ah aad loo ilaaliyo oo lala socdo hadba xaaladooda maadaama ay hagardaamayn karaan dawooyinkani.  Bukaanku waa inuu la socdaa aragiisa guud ahaan iyo midabada qaarkood gaar ahaan. Waxa uu la kulmi karaa bukaanku in ay is bedesho midabka kaadidu, kabiibyo ku timaada qaybo ka mid ah jidhka( gacmaha iyo lugaha), matag iyo yalaalugo. Dawooyin kan waa in lala isticmaalo vitaminada qaarkood si ay hoos ugu dhigaan dhibaatada dawooyinkan. Waxa ma huraan ah in aad u sheegto Dr-kaaga hadiiba ay xaalad kale kugu timaado inaad qaadato dawooyinka TB-da waayo waa ay saamayn karaan dawooyin ka kale. Waxa aad muhiim u ah in aad joogtayso dawooyinkan si aad uga baaqsato dawooyin ka dheef yar, ka dhib badan kana kharash badan. Waxa aad u kordhaya tirada dadka ku yeelanaya adkaysi dawooyinkan, waana mid ka mid ah carqaladaha ugu weyn ee hor taagan la tacaalidda cudurkan.

Hababka lagaga hor tago cudurkan ayaa ah in uu jiro talaal la siiyo dadka gaar ahaan caruurta oo la tuhunsan yahay inuu hoos u dhigay noocyo ka mid ah TB da oo ay ka mid tahay qayb ka mid ah qoor-gooyaha(TB meneigitis). Waxa laga ma maarmaan ah in uu qofku yareeyo wadiiqo kasta oo halis u gelin karta inuu la kulmo cudurkan.

Waxa Diyaarisay Deeqa Aadan.

Kaafimedia