Waa Kuma Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Loo doortay Xisbiga Kulmiye

0
27
Axmed Cabdi Dheere, ayaa maanta si rasmiya loogu doortay Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE waxana uu noqon doonaa ninka hagi doona hawlaha xisbiga maadaama oo labada guddoomiye ee ka sarreeya ay xukuumadda gadh wadeen ka yihiin.
Waxa uu ku dhashay magaalada Hargeysa sannadkii 1960-kii, waxa uu dugsigii hoose/dhexe ku qaatay magaalada Hargeysa intii u dhaxaysay 1967-1974-tii, dugsigii sare wuxuu ku qaatay magaalada Muqdisho intii u dhaxaysay 1975-1978.
Sannadkii 1990 wuxuu waxbarasho u tagay dalka Jarmalka isagoo soo bartay culuunta dawooyinka.
Laga soo bilaabo 1990 ilaa 2003, Axmed Cabdi Dheere wuxuu ahaa khabiir xagga dawooyinka ah oo ka shaqayn jiray Bayer Pharma oo ku yaalay dalka Jarmalka. Sannadihii 1986 ilaa 1988 wuxuu ka shaqayn jiray rug weyn oo dawada lagu iibin jiray oo ku taalay magaalada Magaalada Muqdisho.
Sannadihii 1979 ilaa 1982 wuxuu ka shaqayn jiray Wakaaladdii Baatroolka Ummadda.
Axmed Cabdi Dheere wuxuu uu ka mid ahaa Aasaasayaashii telefiishanka Horn Cable.
(2004-2006).
2006-dii ilaa 2008-kii, Axmed wuxuu ahaa mulkiilihii GALLAD airlines.
Laga soo bilaabo 2004-tii ilaa waqtigan Axmed Cabdi Dheere waa xubin ka tirsan Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE.
kaafimedia