Dhiig Karka (Hypertension)

0
711

Dhiig karku wuxuu yimaadaa markii cadaadiska Dhiigga uu sarreeyo, taasoo macnaheeda ah xowliga uu qulqulka dhiigga ku dhex socdo xididada oo sarreeyo.

Iska Cabbiridda Cadaadiska Dhiiggaaga
Cadaadiska dhiigga waxaa badanaa lagu hubiyaa iyadoo mashiin leh maro lagu xiro dhinaca sare ee gacanta, markaa labo lambar ayaa cadaadiska dhiigga loo qoraa.
• Lambarka kore waa midka sare waxaana loo yaqaannaa “systolic”. Waa cadaadiska ku jira xididada dhiigga marka uu wadnaha dhiiggu ku shubmo.
• Lambarka hoose waa midka hoose waxaana loo yaqaannaa “diastolic”. Waa cadaadiska ku jira xididada dhiigga marka uu wadnuhu nasanayo inta u dhexeysa garaacyada.

Cadaadiska Dhiigga ee Caadiga ah
Cadaadiska dhiigga ee caadiga ah wuxuu ka agdhow yahay tirada 120 oo la hoos dhigay 80 ama ka yar.
Da’da way saamaysaa cadaadiska, oo wax yar ayuu ka korreeyaa akhrinta kor ku xusan mar walbuu qofka da’diisa kororto, waana dabiici.
Cadaadiska dhiigga qofba qofka kale wuu ka duwan yahay.
Cadaadiska dhiigga wuxuu isu badali karaa daqiiqado, qasab maahan in mashiinta ay soo qorto 120/80, wax yar ayuu ka duwanaan karaa.

Cadaadis Dhiig oo Sarreeya
Cadaadis dhiig oo sarreeya waxaa loo yaqaannaa dhiig kar (hypertension).
Cadaadis dhiig oo sarreeya waa 140 oo la hoos dhigay 90 iyo wixii ka sarreeya.
Baaritaan cadaadis dhiig oo sarreeya lama sameeyo ilaa cadaadiska dhiiggaaga laga hubiyo dhowr mar uuna noqdo mid sarreeya.
Mar kastoo ay dhiigga ku adkaato inuu ku qul-qulo marinnada dhiiggaaga, lambarrada cadaadiska dhiiggu kor ayey u sii kacayaan. Marka uu jiro cadaadis dhiig oo sarreeya, wadnahaagu si xoogan ayuu u shaqaynayaa.

Dhiig karku waa meeqa nooc?
Dhiig karka waxaa loo kala bixiyaa laba nuuc oo kala ah: mid aan la garanaynin sababta keento oo dhaxal noqon karto, qaab nololeedka qofka wuxuuna u badan yahay dadka waaweyn. nooca labaad waa mid ku yimaada xanuun sida xanuunka kilyaha, cillad xididada wadnaha ah, hormoonada jirka ay soo daayaan qanjirrada oo sarreeyo ama dhibaato kalaba, noocaan ma lahan da’ wuxuu ku dhici karaa da’ kasta.
Waxaa jira dhiig kar ku dhaca haweenka uurka leh oo loo yaqaano eklaamsiyo “Eclampsia”. Akhriso qoraal ku saabsan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1462.0
Dhiig karka noocyadiisa kala duwan waa isku daawo, laakiin haddii uu jiro xanuun keenay waa in xanuunkaa isagane laga daaweeyo qofka.

Calaamadaha Cadaadis Dhiig oo Sarreeya
Habka keliya ee lagu ogaan karo cadaadis dhiig oo sarreeya waa in la hubiyaa, waana in dhowr la cabbiraa haddii shakki jiro.
Dadka badankoodu calaamado ma lahan. Dadka qaarkood waxaa laga yaabaa iney madax xanuun isku arkaan ama aragti ceryaamo ku jirto, wadna garaac, neefsashada oo dhib ah, san-goror, dhabar xanuun iyo caga barar. hadduu qofka isku arko astaamahaas waa muhiim in cadaadiska dhiigga la iska cabbiro.

Daryeelkaaga
Koontaroolidda cadaadiska dhiiga oo sarreeya aad ayey muhiim u tahay. Haddii aad cadaadis dhiig oo sarreeya leedahay waa inaad:
• Badanaa cadaadiska dhiigga iska hubisaa. Dhakhtarkaaga la xariir haddii cadaadiska dhiiggaagu uu sii sarreeyo.
• Daawada cadaadiska dhiigga u qaado sida uu dhakhtarku ku amray.
• Daawada qaado xataa haddii aad caafimaad dareento ama cadaadiska dhiiggu uu caadi yahay.
• Miisaanka dhin haddii aad buuran tahay.
• Xaddid cusbada cuntooyinkaaga iyo cabitaannada ku jirta.
• Ka fogow cabidda khamriga.
• Jooji sigaar cabidda ama isticmaalka tubaakada iyo qaatka (jadka).
• Jir-dhis samee ku dhowaad maalin walba.
• Isku buuqidda/diiqadda iska yaree.