KHABIIR KA U DHASHAY DALKA FARANSIISKA OO KA FALOODAY MUHIIMADA MAAL-GASHIGU U LEEYAHAY SOMALILAND IYO KAALINTA UU KA QAADAN KARO ICTIRAAF RAADINTA

0
521

Khabiir Ka U Dhashay Dalka Faransiiska Oo Ka Falooday Muhiimada Maal-gashigu U Leeyahay Somaliland Iyo Kaalinta Uu Ka Qaadan Karo Ictiraaf Raadinta.Khabiir u dhashay dalka Faransiiska oo lagu magacaabo Mr. Robert Wiren, si weyna ugu ololeeya qaddiyadda madaxbannaanida Somaliland ayaa ka hadlay saamaynta dhaqaale iyo siyaasadeed ee maalgashiga dekeda Berbera ee shirkada DP World iyo saldhiga milateri ee Imaaraadku ku yeelanayo Somaliland ay horumarin doonaan kaalinta ay Somaliland ciyaarayo siyaasadaha caalamka.

 

Khabiirku waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi uu siiyay telefishanka dalka Faransiiska ee RFI, waraysigaasi oo dhinacyo badan lahaa ayaa qeybtii la xidhiidhay Somaliland oo weriye Maxamuud walaaleeye, oo wargeyska Dawan ka tirsan soo turjumay ayaa lagu bilaabay sidan:-

 

Jabuuti, waxa laga furay marin tareenada isku xidhaya Addis Ababa, oo shiinahu sameeyey, laakiin xilligan jabuuti waxay waajahaysaa tartan kaga imanaya dekeda jooga dheer ee Berbera, sidaad u aragtaa?

“Taasi waa lama huraan, ka dib heshiiskii sannadkii hore shirkada dekedaha DP world oo maalgelin ku samayn doonta u dhexeysa $400 ilaa $500 milyan lagu casriyeynayo dekeda Berbera. Sidoo kale dalka Itoobiya waxuu la saxeexday heshiis Somaliland uu ku soo marinayo badeecadahooda ganacsiga ee dibeda uga yimaada xaddi gaadhay boqolkiiba soddon 30%. Heshiiska Somaliland iyo DP World waxuu ka dhigan yahay inaanay badeecadahii badnaa immika ka dib dariiqoodu ahaan doonin Jabuuti, taasoo shaki la’aan hoos u dhigi doonta khidmadii shaqada, maadama xilligan Jabuuti kooto ugu xidhan tahay ganacsiga dekedahu.

 

Ka dib maalgashigan DP World waxa sii xiisa gelinaya khilaafka dhexmaray jabuuti?

Dhab ahaan, ninkii masuulka ka ahaa dekedaha jabuuti Cabdiraxmaan Boore, oo saaxiib dhow la ahaa madaxweyne Ismaciil Cumar Geele, ayaa khilaaf dhexmaray, ka dib markuu Geele damcay korodhsiga kursiga, aanu dastuurku ogolayn, ayuu dabadeed Madaxweyne Ismaaciil ku eedeeyey inuu musuqmaasuq la sameeyey Dp World.

Taasi waxay abuurtay khilaaf dhexmara Jabuuti iyo shirkada DP World, oo noqonaysa in maalgashi kala duwan oo dalka u qorshaysnaa in la geliyo, haatan aanu hirgeli doonin.

 

Wakhtigan, dekeda Jabuuti kuma haysan doonto kooto ganacsiga badda cas, waa maxay faa’iidada ugu jirta wadanka Itoobiya?

 

“Dalka Itoobiya, muhiimada koowaad waa tartanka, oo saamayn doona khidmada shaqada dekedaha Jabuuti iyo Berbera dhexmari doona.”

Iyadoo tartan ganacsi u dhexeeyey dalalka Jabuuti iyo Somaliland, xilligan ma bilaabmi doonaa mid istiraatiji, ka dib heshiiska Somaliland iyo Imaaraadka Carabta ee saldhiga milateri iyo dekeda Berbera ee Somaliland?

“Haa, heshiiskan ayaa ka dambeeyey kii ganacsiga dekeda, oo isweydiinteeda leh, laakiin, waxa la saadaalinayaa in Imaaraadka Carabtu qorshahooda fog yahay inay ka soo guuraan saldhigooda Casaba, ee Eriteria, ka dib eedahooda xuquuqal insaanka, iyo arrimaha la xidhiidha.

Sidoo kale, imaatinka Saldhiga Imaaraadka ee Berbera, waa ilaalinta maalgashigooda mustaqbalka ee Somaliland, oo xilliganba awooda difaacida xuduudahooda. Waxa jira caqabad dhinaca ilaalinta xeebaheeda ka jirta, maadama dhererkeedu yahay 800 KM, isla markaana taageero dhaqaale iyo mid farsamo aan caalamku siin.”

 

La dagaalanka budhcad-badeedka, miyaanu xilligan ku biirin, in marinka Baabul-mandab deegaan ciidan noqdo?

“Haa, isweydiin la’aan, Sacuudiga oo Casab jooga, ciidamo reer Galbeed, kuwo shiinaha ee Jabuuti iyo Imaaraadka oo xilligan yimi Somaliland. Goobtani waxay yeelatay muhiimad weyn, sababtoo ah waxa ku yaala Marinkii Cadmeed, Badda Cas, maraakiibta shidaalka, maraakiibta kontiinarada ganacsiga Shiinaha ee Yurub ku waajahan.”

ka waran saamaynta Al Qaacida ee Yemen, sidoo kale?

“Haa, Xaqiiqdii, iyo weliba ogaanshaha in Koonfurta Soomaaliya tahay goob halis ah, oo xukuumada ku-meel-gaadhku aanay awoodin ilaalinteeda, kooxahii shabaab weli way joogaan, waa halis muuqata.”