MAALINTA HAWEENKA ADDUUNKA OO CAALAMKA LAGA XUSAYO MAANTA

0
439

Maanta oo kale waxaa caalamka intiisa badan laga xusaa maalinta Haweenka Adduunka oo loo asteeyey 8 Maarso.

Qabanqaabada Munaasabado lagu xusayo Maalintaan oo ay ka qeyb galayaan Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda iyo Hay’adaha xuquuqda aadanaha ayaa ka socota Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Waxaa lagu wadaa maanta in ay ka dhacaan meelo ka mid ah Soomaaliya munsaabado lagu xusaayo maalinta haweenka.

Haweenka Soomaaliya ayaa marar badan cabasho ka muujiyey sida looga qeybgaliyo xukunka iyo Siyaasadda dalka, isla markaana aysan helin tirada loo qoondeeyo ama ay doonayaan.