MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA OO MAGAALADA MUQDISHO KU QAABILAY XOGHAYAHA GUUD EE QARAMADA MIDOOBAY

0
491

Xoghayaha Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa safar lama filaan ah ku yimid magaalada Muqdisho, waxaana uu kulan la qaatay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Safari degdega ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa la xiriiraa arrimaha abaaraha iyo macluusha ka jirta Soomaaliya, si uu indhaha caalamka ugu soo jiidiyo xaaladda abaareed ee Soomaaliya.Shir jaraa’id uu ku qabtay magaalada Muqdisho ayuu sheegay in dadku dhimanayaan, caalamka oo idilna looga baahan yahay inay caawinaad lasoo gaaaraan dadka abaaraha.

“Dadku wey dhimanayaan.waa inuu caalamku qaadaa tallaabo lagu joojinayo arrintaasi” ayuu ku kiri Antonio Guterres.

Dhinaca kale madaxweynaha Somalia, Farmaajo ayaa wafdig Xogahayaha Guud ee Qaramada  Midoobay ayaa sheegay in Kulankooda ay uga wada hadleen xaalada abaaraha ee ka jira Dalka Soomaaliya asaga oo xusay in ay xaalada abaaraha siinayaan ahmiyada kowaad si loo badbaadiyo dadka ay abaaraha saameeyeen.

Madaxweynaha ayaa xusay in ay dowladiisa Muhiimada gaar ah siineyso caawinaad dadka ay aabaraha saameeyeen asaga oo xusay in Qaramada midoobayna ay ku gacan siineyso taakuleynta Dadka ay abaaraha Saameeyeen.

Xoghayaha Qaramada Midoobay iyo wafdigiisa ayaa dhanka kale safar ku tegu doona magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, halkaasi oo ka mid ah gobolada abaaraha sida daran u saameeyeen.