MAREYKANKA, RUUSHKA IYO TURKIGA OO KA WADA HADLAYA COLAADDA SUURIYA IYO CIRAAQ

0
534

Waa kullankii ugu horeeyay ee seddax geesood ah oo laga yeesho xaaladda dalalkaasi. Shirkan ayaa sidoo kale ka duwan kuwii hore, sababtoo ah waxaa isugu yimi dhinacyo isku khilaafsan dagaalka Suuriya.

Turkiga iyo Mareykanka waxay diidan yihiin dowladda Suuriya oo Ruushka taageero ka haysato.

Kullanka ayaa imaanayo xilli ciidamada Turkiga ay sheegeen inay weerarayaan magaalada Manbij oo ay maaamulaan Kurdiyiinta uu Mareykanka taageero.

Laakiin Ra’iisul wasaaraha Turkiga ayaa dib uga noqday duqeynta gooni-goonida ah ee labada dhinac ay soo jeediyeen.

Dowladda Turkiga ayaa dalbaday in duullaanka iyo duqeymaha loo qaado si wada jir ah.

Dhinacyada ayaa sidoo kale ka wadahadlay duullaanka lagu qaadayo magaalada ay daacish maamusho ee Raqa ee dalka Suuriya.

Magaaladaasi ayaa ah caasimadda ururka laa baxay Khilaafada Islaamka iyo xarunta amarada ay ka bixiyaan..

Turkiga ayaa sidoo kale dalbanayo in maleshiyaadka Kurdiyiinta aysan ka qeybgalin howlgalka Raqa.