Maxaa keeno in qofka gacantisa iyo suulkiisa ay jireyaan?

0
846

Waa arrin jirta oo ay ka sheegtaan dad badan, waana in faraha cagta ama gacanta ay qalloocdaan ama kogaan ama is dul fuulaan oo la kala dajin kari waayo xanuun siyaadane uu la socdo.
Waxyar ka dib waa baaba’daa oo caadigeedii ayay ku soo laabataa.

Marka ay ku cusub tahay arrintaan qofka aad ayay uga nixisaa,  laakiin markii uu la qabsado wuu fahmi karaa in ay tahay arrin ka fuqi doonto muddo ka dib.

Maxay tahay arrintaan?
Faraha oo boodo ama qalloocdo ama ay kogaan waxay ka timaadaa cillad neerfe oo murqaha yaryar ee faraha iyo suulka dhaqdhaqaajiyo ku timaado, taasoo ka dhalato qalad kontaroolka ah, Laakiin iyadoo saas ay tahay haddane dhowr cilladood ayaa keeno arrintaan.
Qofka wuuu ka dareemi karaa hal far ama laba farood khaasatan midda labaad ee suulka ku xigta, midda afaraad iyo midda sadaxaad ee cagta.

Maxaa keeno cilladaan?

  • Dadka markay welwelsan yihin ama markay fakarayaan faraha cagta ka dhaqdhaqaajiyo way ku dahcdaa arrintaan, taasoo ka timid, ka shaqaysiin xad dhaaf ah oo lagu sameeyay murqaha yaryar ee suulka iyo faraha, dadka nuucaan ah waxay arrintaan isku arkaan markay sariirta tagaan ama hurdada ka soo toosaan.
  • Gym-ka iyo jimicsiga la joogteeyo, kadibna si kadis ah loo joojiyo iyadane way keentaa ama jimicsiga xad dhaafka ah oo aan loo nasan.
  • Haddii aad cadaadis saartid neerfaha cagta, sida in aad xirato kabo kugu dhagan oo kale.
  • Haddii ay maadada kaalsiyamta iyo magnesium-ta kugu yar tahay kuwaasoo neerfaha la shaqeeyo.
  • Duugist ama riiriixista neerfaha waxay si lama filaan ah u kicin kartaa neerfaha taasoo keeni karta in farta ama suulka ay samaysi falcelin kadis ah
  • Daalka siyadada ah, waxay hoos u dhigaan awoodii murqaha, taasoo farriinta neerfaha ka timaado lagu wareero.
  • Fuuq-baxa ama haddii qofka biyo cabdkiisa ay yar tahay.
  • Dabaasha badda, waxay keentaa cilladaan waxaana loo yaqaanaa “Swim cramps”, dad badan ayaa isku arka cilladaan markay biyaha ka soo baxaan.
  • Daawooyinka qaar

Maxaa astaamo kale oo la socon karo arrintaan?
Waxaa la soco karo dubaaxin ama boodbood lugta ama cagta ah taasoo haddii cillada neerfaha heysato ay wayn tahay, waa la arki karaa arrintaan.

Sidee loo daaweeyaa arrintaan?
Daawada waxay ku xiran tahay in la ogaado cillada keentay midka ay tahay kuwa kor aan ku soo xusay, waxaa laga yaabaa kaniini calcium ah kaliya in aad u baahato, waxaa dhici karto daawo aad qaadatid in lagaa joojiyo, waxaa dhici karta xanuun neerfaha lugaha saameeyo inuu jiro sida macaanka ama sonkorowga, hadduu welwel ku hayo oo caadaysato in aad faraha joogto uga shaqaysiiso in welwelkaas lagaa yareeyo.
In aan daawaba laguu qorin way dhici kartaa haddii ay cilladaan ahayn mid soo noqnoqoto.
Dadka qaar waxaa caawiyo vitamic C-ga.


Haddii ay cilladaan sii socoto, fadlan la xiriir dhakhtar si laguu baaro, hadduu walaalkaa qaadan jiray daawooyin-ka la qaato xilliga gym-ka la ciyaaro sida hormoonada oo kale arrintaan way keenaan, ha joojiyo, hadduu joojiyane way ka istaagi doonaan insha’llah.