Madaxweyne Gaas oo Puntland ka Ambabaxay xilli Ciidamo gadoodsan jiraan oo Mushaar la’aanta haysato.

0
429

Garowe(Kaafi Media.com)Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa maanta ka dhoofey garoonka diyaardaha magalaada Bossaso isagoo ku sii jeeda dalka Ethiopia.

Safarkaan ayaa Madaxweynaha Puntland ayaa wararku sheegayaan inuu ku tagayo wadanka Ethiopia iyo Imiraadka Carabta.

Safarka Madaxweynaha Gaas ayaa ku soo beegmaya xilli Puntland ka jirto gadood ciidamada daraawiishta ah kuwasoo ka cabanaya mushahar la’aan soo jiitameysay muddo.

Lama oga safarka Madaxweynaha Puntland iyo waxaa uu ka badalayo xalaada amni darada ah iyo abaaraha haysta shacabka Puntland.

Garowe Kaafi Media.com