“Waxaa Nasiib Darro Ah In Maanta Ribada La Samaynayo Sharci Lagu Xalaashanayo Ribada, Dadka Ummada Nidaamka U Hayana Farriinta Aan U Dirayaa Waxay Tahay In…”

0
453

Hargeysa (Kaafi Media) – “Nebigu CSW Waxaa uu yidhi Malakul-jibriil wuu ii sheegay inaanu qofku adduunyadan ka tagayn jeer uu calafkiisa dhamaysto, Markaa wax uu Illaahay ku qoray waayimayside xaaraan ha ku roorin. Sidoo kale waxaa uu rasuulku xusay waxa looga dhici doono degdega lagu degdegayo xaaraantu, markaasaa waxaa uu xusay in maalinta qiyaamaha markuu Illaahay abaal marinayo addoomaha, in lasoo qabanayo dadka kii ugu barwaaqo badnaa ee ugu xoolo badnaa, laakiin xoolihiisa waxaa uu ka ururiyey xaaraane kolkaasaa naarta daf la siinayaaa, kadib baa Illahay ku odhanayaa weligaa wax khayr ahi miyuu ku soo maray?. Maya Ayuu Odhanayaa Illaahayoow  ima soo marin, wax alla wixii uu ururinayayna daqiiqad keliya ayaa lagu ilawsiiyey”.

Sidaas ayuu yidhi Sheekh Maxamed Cumar Dirir oo khudbadii Salaada Jimce ee uu shalay ka jeediyey masjidka Nuural-hudaa [Ex-rusheeye] ee badhtamaha magaallada Hargeysa ku soo qaatay muxaadaro cinwaankeedu yahay “dhib-xumada Ay Xoolaha xaaraanta Ahi Ku Leeyihiin Dalka Iyo Dadka”, taas oo uu kaga digayo dhaxal xumada maalinta qiyaame sugaysa addoomaha intii ay noolaayeen tacabkoodu xaaraanta ku bilaabmay. Sheekhu isagoo khudbadiisa sii wata waxaa uu sidoo kale ka hadlay arrimo la xidhiidha dhib-xumadaas iyo sababaha keena in ay addoomuhu ku dhiiradaan in ay kala garan waayaan wixii alla u qoray iyo waxa dadka kale ay leeyihiin   waxaanu yidhi “Sababta kale ee keeni karta in ay dadku iska halqafaan oo iska gurtaan  waxaa ka mid ah iyagoo ay damaacinimadu ku badan tahay qanaacadduna ay ku yartahay, sidaasi dateed baa rasuulku SCW isagoo dadka ka waaninaya waxaa uu yidhi ‘waar dadyahow Illaahay akhlaaqdiina sida uu u qaybiyey baa uu arsaaqdiinana u qaybiyey,  labadaasi [akhlaaqda iyo arsaaqada] mid waliba way qorshaysan tahay, markaa ka badan maysid midnabee damaacinimada yaree’.

Xikmad hore ayaa waxa ay iyaduna tidhaahdaa ‘dadka waxaa dulleeya oo qoortooda hoos u foorariya damaca, I intay leeyihiin ka kordhi wax aanay lahayna waxaa ku yimaada dulli iyo hoos u dhac’. Taas bedelkeeda ayaa waxaa nin Saahid ahaan jiray waxaa uu leeyahay qofku inuu yarayto duunyada inuu aad uga daba dhaco iyo inuu damaacinimada iska daayaa waxaa ay sabab u noqotaa in uu xalaal miirto,  runtana  badsado,    haddii uu laakiin badsado waxaa uu ka dhaxlaa kakanaan iyo murugo waayo wax aanu lahayn ayuu doonayaa”. Ayuu Sheekhu khudbadiisa ku sheegay,waxaanu intaas ku ladhay natiijada haddii qofka xoolihiisa iyo maalkiisa xalaasha ah uu ku dhex daro qayb xaaraan ah, waxaanu yidhi ‘’Haddii ay dhacdo in qofku tacabkiisa iyo xoolihiisa xalaasha ah uu ku dhex daro xaaraan dabcan way ka baabiinayaan oo xaaraantu way cuntaa xalaasha lagu daro, junuuda [ciidanka] Illaahay way badan yihiin oo xataa xayawaan buu illaahay u dirayaa kaa meeleeya”.

Geesta kale waxaa uu Sheekh Maxamed Cumar Dirir soo qaatay qiso ku cibro qaadasho mudan oo dhacday cahdigii uu noollaa Alla raali ha ka ahaadee Sheekh Imaamu-shaafici oo ahaa muftigii horseeday mad-habta aynu haysano ee shaacifiyada, qisadaas oo dhexmartay isaga iyo nin u yimi “Imaamu Shaafici ayaa   nin baa u yimid oo waxaa uu ninkaasi leeyahay  mushaharna waan qaataa waanu igu yaryahay, wuxuu yidhi mushaharkaygu waa shan dirham, markaa Imaamu shaafici waxaa uu arkay in lacagta intaas leegi ay fiicnayd waqtigaas oo ay wax goynaysay, dabadeed isagoo caqliga iyo cilmigaba ka duulaya ayaa waxaa uu qiyaasay inay suurto gal tahay in lacagta ninkani qaato ay wax xaaraan ahi la socdaan, markaas wuxuu yidhi ‘waxaan kugula talinayaa bal horta xalku ha inoo dembeeyee in shantaas dirham ninka aad u shaqayso aad ku tidhaahdo mid iga goo oo afar dirham isii, markaa waayahay buu yidhi oo sidii buuyeelay, kadib haddana sheekhii buu ninkii ku soo nqoday oo waxaa uu ku yidhi wali mushkiladii waa sidii, haddana waxaa uu ku idhi afarta dirham ee aadqaadanayso mid iska dhin, haddana mid buu iska jaray,saddexdii markuu qaatay buu kusoo noqday sheekhiiyoo wuxuu yidhi way igu filanyihiin immika oo Illaahay wuu ii barakeeyey ee maxaad uga jeeday arrintan, waxaan uga jeeday oo aan fahmay buu Imaamu shaafici yidhi wax aanad lahayn baa kula socday, markaa labadan dirham ee aad iska jartay markay kaa dageen adiguna aad degtay  ayaa dheeraad ku  ahaa ninka aad u shaqaynaysay, sidaas darteed baad immika degenaansho ku heshay saddexdas dirham’. Sidaas darteed waxaaaynu qisada ka fahmaynaa oo halkaas ka muuqanayaa in shayga xaaraanta ahi si kasta ha ku soo gashee in uu kulayl iyo kadeed la kulmi doono”. Ayuu yidhi sheekhu waxaanu sheegay in sababaha keeni kara in qofka ay xaaraani soo gasho kaw ka yihiin labaarrimood oo kala ah Jahli iyo mooganaan “sababaha keena in uu xaaraanta iska qaato oo uu sahashado waxa uu ka jaahil yahay khatarta ay leedahay iyo miisaankeeda iyo cadho alle iyo cuqabada aakhiro. Waxaad arkaysaa dad badan oo jaahil ka hayo arrintaas, kolkasaay iyagoo si fudud iskaga hadlaya ay xaaraanta xayaysiinayaan [iyagoo u haysta] inuu dalku ku horumarayo, oo dadku ku horumarayo oo ummadaha shisheeye lagu dayanayo sida ay u horumareen. Waxaana laga yaabaa daliillada qur’aan iyo xadiisba leh ee ka warramaya xaaraanta iyo xalaasha inaanu qofkaas miskiina ahi arag, waxaa xaaraanta lagu mesaalaa inay tahay sun uu qofku cabayo  ama inay ka khatar badan tahay waayo suntu qofka uun bay dishaa naftiisa laakiin xaaraantu weligaabay kula soconaysaa oo naartii buu ku galayaa” ayuu sheikh Dirir ku miisaamay cidhib xumada ay leedahay arrintaasi. Waxaa iyana xusid mudan oo khudbada sheekha ku jirta dhaxalka ay xaaraantu kaga tagto qofka, “haddii arrimaha aynu ka sheekaynay ay yihiin asbaabta qofka ku keenta in uu xaaraan urursado waxaa iyaduna jirta wax loo yaqaan ad-raar [dhib iyo dhaxal-xumo]  ay qofka ku keento xaaraantu, dhibaatooyinkaas waxaa ka mid ah dadka oo qalbi madoobaad ku dhaco oo qalfoof noqda, macaanna ay u samayn weydo cabsida illaahay, arrintu haday halkaas gaadhana dee qofka masiirkiisa iyo waxa alle kaga aar goosanayaa waa naar uun”.  “Rasuulku SCW waxaa sheegay in qofka masuuliyadda haya ee ummada xilkeeda u dhaartay haddii uu ay calooshiisa waslad xaaraan ahi gasho aan afartan maalmood waxba laga aqbalayn, cibaadooyinka uu gudanayo inta ay calooshiisa wax kaga sii jirto xaaraantu lama aqbalin, waana arrimaha u baahan in dadku ay aad iyo aad uga fiirsadaan”.

Gebogabadii khudbada sheekhu ka jeediyey Masjidka Rusheeya waxaauu ku soo qaatay qaddiyada ribada iyo cidhibteeda, taasi oo dhawaan hadal haynteedu ku badan tahay saaxadda goleha wakiillada Somaliland oo dabcan ay ajandahooda ku jirto qoddob horena xiisad u abuuray oo ku saabsan bangiyada dusaarka ku shaqeeya iyo shuruucdooda. Waxaana isaga oo ka hadlaya dooda qodobkan iyo haatan hor yaalla golaha wakiillada maantana la filayo in la hor keeno fadhigooda uu yidhi “Walaalayaal waxaa iyaguna jira  oo waxyaabah innoogu dhib badan maanta kamid ah ribada oo sharci loo samaynayo, dhibkay leedahayna waaqica ayaynu ka arkaynaa, runtiina waa nasiib darro aad iyo aad u weyn In la xalaaleeyo oo la yidhaa dalka waa lagaga shaqayn karaa dadkuna waa ay ku shaqayn karaan, waxaana ay la mid tahay uun tii berigii hore aynu ku canaananaynay ee ay ku eedaysnaayeen maamulladii hore ee odhan jiray dhaxalka ragga iyo dumarku way siman yihiin, waayo aayadaha ribada sheegay iyo aayadaha dhaxalka sheegay waxaa sii canaan iyo culays badan kuwa ribada sheegay, markaa waa nasiib darro aad iyo u weyn, Illaahayna waxaa uu qur’aankiisa ku leeyahay ‘kuwa rabada watoow’ dagaal ogaada illaahay iyo rasuulkiisa idinkaga iman doona”. Ayuu sheekhu yidhi isaga oo ka digaya xeerkaasi hor yaalla golaha wakiillada ee ribada, waxaa iyagana uu ka hadlay xeerar iyo shuruuc kale oo qaarkoodana hore ay goluhu u ansixiyeen qaarkooda aan la ansixin oola mid ah xeerkaas ribada “maaha kan oo keliya ee waxaa iyaguna jira kuwo kale oo ay kamid yihiin xeerka argagaxisada oo dabcan loo samaystay in lagu xalaashado dhibaataynta iyo cabudhinta xorriyada dadka muslimiinta ah. Hadal iyo dhamaan dadka ummada u haya nidaamka waxaa aynu usheegaynaa oo farriinta aynu udiraynaa tahay inay Ummada xilkeeda Illahay kaga cabsadaan aakhirana u tudhaan”. Ayuu sheikh Dirir ku soo gunaanaday  khubadiisa.

KAAFI MEDIA.COM

HARGEISA SOMALILAND