Xukuumadda Oo Lagu Xujeeyey Fulinta Go’aamo Xab Ku Bururinaya Deegaan Ay Xilligii Diiwaangelinta Xinjiri Ku Daadatay Oo Ku Yaalla Waqooyiga Hargeysa.

0
463

Gaadhay Deegaanka Hadayta

Hargaysa (Kaafi Media ) Wafti Uu Hogaaminayo Wasiiru Dawlaha Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye ayaa ka qayb galay Shir Tuulada Cabdi geedi uga qabsoomay beelaha walaalaha ah ee Ciise Iyo Sacad muuse Galbeed. Shirkan ayaa ujeedadiisu Salka Ku Haysay waxyaalo ay kala tabanayeen labada Beelood Iyo is Rasaasayn hore Ugu Dhex Martay Deegaanka Hadeyte Wakhtigii diiwaan gallinta Codbixiyeyaasha . Shirkan oo duqayda, sulaadiinta, cuqaasha iyo waxgaradka labada reer ee walaalaha ah jilbaha isku dareen ayaa garnaqsi dheer kadib la isku afgartay. Waxaana markii uu shirku soo gebo-geboobay waarfidiyeenada la hadlay xubno kamid odayaasha labada dhinac kuwaasi oo kala ah Oday Xasan Caydiid, Cali Gabax, Iyo Jiif Caaqil Caydiid Waxaana dhammaantoodba iska dabo mareen wanaaga nabadu ay leedaya iyo sida gacaltooyada, jaarnimada iyo walaaltinimada leh ee loo garnaqsaday nabada la xidhayna ay tahay in lasii adkeeyo. Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan oo ka socday dhinaca xukuumadda ayaa isaguna goobtaasi ka akhriyey qodobada kasoo baxay shirka ee la isla qaatay kuwaasi oo kala ah.

1- In wixii Hadayta ka dhacay laysla qaato wixii khasaare nafeed iyo mid hanteedba ah

2- in wixii Mamaasan [Jilib Ka Tirsan Beesha Ciise] dhaawac kasoo gaadhay la keeno lana xaqo.

3- In khasaarihii gaadiidka oo laba gaadhi oo Mamaasan lahaydna la bixiyo.

4- In wixii qoomo ku kala maqnaa Mamaasan iyo Sacad Muusana ay dhamaystaan gudahooda.

5- In la bixiyo lacag dhan $6000 ( lix kun oo dollar) oo xaal mar ah lana siiyo Mamaasan.

6- In la sameeyo guddi labada dhinaca oo ka shaqaysa nabadgalyada iskaashiga iyo isku soo dhaweynta beellaha kana kooban 16 xubnood.

7- In wixii magdhaw iyo xoollo ah ee la xaqay la isku siiyo muddo dhan 15 cisho guhood oo ka bilaabantan 08/3/2017 ilaa 23/03/2017.

Ugu danbayntii waxaa shirkaasi soo xidhay wasiiru dawlaha wasaarada Arrimaha gudaha isaga oo sheegay in xukuumad ahaan wixii tabasho ahaa ee xuukuumada isla qaateen inay dhamaystiri doonaan kana shaqayn doonaan.

Kaafi Media .com

Hargeisa Somaliland..