Somaliland:- Xaaladda Abaaraha Oo Marba Marka Ka Dambaysa Ka Sii Daraysa, Dardartii Gurmadka Oo Meesha Ka Baxday Iyo Dhimasha Dadka Oo Bilabantay.

0
484

Hargeisa (Kaafi Media.com)Xaaladda abaareed ee deegaamada Somaliland gaar ahaan dhinaca bariga aya marba marka ka dambaysa ka sii daraysa, iyada oo ay dadku fara madhan ka joogaan xoolihii ay dhaqan jireen oo ay gebi ahaanka ka dhamaysay abaarta baahsan ee ka jirta dalka iyo guud ahaan geyi somalida intiisa badan.

Deegaamada Bariga Somaliland, ayaa lagu arkayaa dadka oo isku urursanaya meelo cidlo ah oo ay baco yaryar ka dhisteen, ka dib markii ay ka dhamaadeen xoolihii ay dhaqan jireen, kuwaas oo aan haysan haba yaraatee wax ay quutaan iyo wax ay huwadaan midna walaacna ka muujinaya xaaladdooda nololeed ee ay wakhtiga ku sugan yihiin oo aan ka soo rayn lahayn kana sii daraysa maainba maalinta ka dambaysa.

Gurmadkii abaaraha ee mudo ka hor dardar xoogan lagu bilaabay, ayaa gebi ahaanba hoos u dhacday, sida ay guddida gurmadka abaaraha heer qaran u sheegeen golaha wakiilada Somaliland, kuwaas oo muddooyinkii u dambeeyey aan la arag wax dhaqdhaqaaq ah oo ay samaynayan, xilli ay hadda bilaabmeen dhimashada dadka oo ay intii badnayd dhamaadeen xoolihii ay dhaqan jireen markii ay waayeen wax ay cunaan ama ay ku noolaadaan.

Xildhibaan Axmed Ducaale Bulaale oo ah guddoomiye ku xigeenka Guddida Joogatada ah ee Golaha wakiilada Somaliland, ayaa warbaahinta u sheegay in ay hoos u dhacday gurmadkii abaaraha Somaliland, isla markaana ay xadda xaaladda dadku marayso meel halis ah oo ay gaadheen in ay dhintaan, waxaanuu sheegay in ay guddida abaaruhu u sheegeen in ay hoos u dheceen kaalmadii abaaraha ee ay ka heli jireen dalka iyo dibeddaba, isaga oo xusay in ay aad ula yaabeen qadarka lacageed ee ay u sheegeen in ay hadda u hayaan guddida abaaruhu oo ah mid aad u yar hoos u dhac bandanna ku yimid.

Deegaamada Bariga Somaliland gaar ahaan Gobolada Sool iyo Sanaag, waxa ka bilawday dhimashada dadka oo la sheegay in ay jiraan dhawr qof oo gaajo iyo harraad u dhintay, iyada oo ay xaaladdu marba marka ka dambaysa ka sii darayso oo aanay jirin wax ku filan o weli gaadhay dadkasi marka laga yimaaddo biyo dhaamisyo yaryar oo aan waxba u tarin, waxaanay dadku ku soo qul qulayaan magaalooyinka ama tuulooyinka inta xooga leh markii ay ka dhamaadeen xoolihii ay dhaqan jireen.

Dhinaca kale deegaamada Galbeedka Somaliland oo ay dadku aad ugu soo guureen iskuna yimaaddeen, ayaa hadda laga dayrinayaa xaaladdooda dadka iyo xoolaha ku sugan gobolka gabiley iyo Awdal oo ay dad aad u badani uga so guureen dhinacyada bariga iyo Hawdka, waxaanay dadku sheegayaan in ay dhamaadeen calafkii la iskugu yimid wakhtiggana ay deegaamadu isku mid noqdeen oo ay u wada baahan yihiin in la taakuleeyo.

Boqolaal qoys oo ka soo hayaamay deegaamo aad u fog oo abriga Somaliland ah, ayaa ku sugan gobolka Gabiley iyo degaanka Wajaale, kuwaas oo hadda aan haysan calafkii xoolaha ee ay usoo hayaameen baabuurtana ugu so gureen xoolaha ay dhaqdaan, waxaanay hadda walaac xoogan ka qabaan sidii ay ugu laaban lahaayeen deegaamadi ay ka yimaaddeen eeTogdheer, Sanaag iyo Sool oo ay kaga yimaadeen intii jilicsanayd wax ay ku sugan yihiina xaalkooda adag yahay.

Si Kastaba ka ahaatee Guddida abaaraha Somaliland, ayaa looga baahan yahay in ay hadda sameeyaan dardar xoogan oo ay fadhiga ka kacaan kuna qaylinayaan umadda islaamka ah si loogu gurmado dadka ay abaruhu saameeyeen oo hadda galay marxalad aad u adag oo ay dhimasho gaadhay.

Suxufi/Khadar Macalin Deeq.

Kaafi media.com

Hargeisa Somaliland.