Addis Ababa: 50 Qof Oo Ku Dhintay Qashin Buuro Noqday Oo Guryahooda Ku Soo Dumay.

0
457

Addis Ababa (Kaafi Media )Ugu yaraan 50 ruux ayaa ku dhintay qashin qub sida buuraha noqday oo dusha ka maray guryo ku yaalla duleedka caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa, sida ay saraakiishu sheegeen.

Waxaa kale oo ay sheegeen in weli la la’yahay tiro dad ah tan iyo markii uu qashinkaasi ku habsaday dadka Sabtidii, dadka deegeenku waxay sheegeen in ay halkaas ku sugnaayeen 150 ruux, marka uu shilku dhacay.

Qashinka oo aad u badnaa ayaa aasay guro halkaas ka dhisnaa oo macmal ah, Goobtaas ayaa qashinka magaalada Addis Ababa lagu daadinayay muddo 50 sano ka badan.

Afhayeen u hadlay magaalada ayaa wakaaladda wararka ee AP u sheegay in carruur badan ay ka mid yihiin dadka halkaas ku dhintay. Waxaa laga cabsi qabaa in dhimashadu ay intaas ka sii badan karto.

Kaafi Media .com

Hargeisa Somaliland.