Tirada Dad Ku Dhintay Qarax Maanta Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

0
471

Hargeisa (Kaafi Media .com) Warar dheeraad ah iyo faah faahin ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo barqanimadii maanta ka dhacay afafka hore ee hotel Weheliye oo ku yaalla magaalada Muqdisho.

Goob-joogayaal ayaa sheegay gaadhiga walxaha qarxa laga soo buuxiyay uu haleelay gaadhi nooca loo yaqaan Hilux oo marayay afaafka hore ee Hotelka Wehliye, gaadhiga ayaa la sheegay in ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan Dowladda.

Sidoo kale waxaa qaraxa ku dhintay dad gaadhaya ilaa siddeed ruux oo u badnaa dad shacab ah, waxaa sidoo kale qaraxa ku dhaawacmay dad kale oo badan kuwaa oo xarumaha caafimaadka loola cararay.

Qaraxa oo ahaa mid xooggan saameyntiisana si weyn looga dareemay magaaalada Muqdisho, ayaa sidoo kale burbur xooggan gaadhsiiyay goobo ganacsi oo ku yaalla agagaarka Hotelka Wehliye iyo Gaadiid halkaasi yaallay iyo kuwa waddada marayay.

Ciidamada amaanka gaar ahaan kuwa Nabad sugida oo qaraxa kadib gaadhay Hotelka Wehliye ayaa gurmad u fidiyay dadkii waxyeelada uu kasoo gaadhay qaraxa, waxa ay sidoo kale ciidamada xidheen dad la tuhmayo.

Muqdisho Somalia.

Kaafi Meida .com