Xukuumadda Maamulka Somaliland Oo Xisbiga WADDANI Ka Hor Istaagay Xaflad Lagu Soo Bandhigayey Khasaaraha Uu Leeyahay Saldhiga Milateri Ee Berbera Laga Bixiyey.

0
430

Hargeysa(Kaafi Media)..March.14,2017-Xukuumadda  Maamulka Somaliland ayaa saaka xisbiga WADDANI ka hor istaagtay xaflad lagu qabanayey Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa islamarkaana lagu soo bandhigayey khasaaraha iyo xaqiiqooyinka rasmiga ah ee ku gadaaman saldhiga Milatri ee dawlada Imaaraadka Carabta laga siiyey magaalada Berbera.

Waxaana munaasibadan oo qaban-qaabadeedu socotay muddo saddex toddobaad ah ka qayb galayey oo lagu soo marti qaaday khubaro aqoon milatari leh, duliyayaal iyo saraakiil sar sare oo khabiir ku ah arimaha saldhigayada military, siyaasiyiinta Madasha Wadatashiga, Bahwaynta Abwaanada, khubaro ciidamada Somaliland hore uga tirsanaa, Aqoonyahano iyo Ardayda Jaamacadaha.

Waxaana munaasibad lagaga wada hadlayey oo lagu gorfaynayey khasaaraha uu sababi karo saldhigan Milateri ee hadii laga bixiyo magaalada Berbera,waxaana saaka markii ay masuuliyiinta xisbiga WADDANI ay tageen Hotel Maansoor oo ballantu ahayd in lagu qabto munaasibadan lagu wargaliyey in xukuumadda Somaliland ay xalay warqad digniin ah u keentay masuuliyiinta Huteelada Somaliland isla markaana lagu wargalinayey in aanay hudheeladooda lagu qaban Karin xaflado iyo shirar lagaga hadlayo mashaariicda horumarineed ee dalka.

Waxaana masuulka  Huteelku ay ku wargaliyeen masuuliyiinta WADDANI inaanay ku qabin Karin xafladaasi hudheelkooda.

Xukuumadda Somaliland ayaa xalay waraaqo digniin ah u dirtay hudheelada waa wayn ee ku yaala magaalooyinka Somaliland kuwaas oo lagu wargalinayo hadii xaflado lagu qabto lagaga soo horjeedo mashaariicaha dalka ka socda laga qaadi doono talaabo sharciga waafaqsan.

Kaafi Media.com

Hargeisa Somali-land