Mareykanka oo ku dhawaaqay in uu soo dhamaaday Dulqaadkooda Waqooyiga Korea isagoo Miiska Saaray Dagaal.

0
404

Muqdisho (Kaafi Media .com)Dowlada Mareykanka ayaa sheegay in uu soo dhamaaday Dulqaadkooda siyaasadeed ee ku aadan Dalka Waqooyiga Kooriya,

Mareykanka ayaa intaasi ku daray in Ay waajib tahay facil dagaal oo looga hortago Halista Waqooyiga kuuriye taasi oo miiska Saaran,

Xoghayaha Mareykanka Tillerson ayaa hadalkaan jeediyay maanta oo jimco ah isagoo bilaabay booqaashó uu ku marayo Qaarada Asia waxana uu hadalkaan jeediyay isagoo ku sugan Dalka Koonfurta Kuuriya,

isagoo ku sugan Seoul. ayuu yiri ” Fadlan aan kuu cadeeyo siyaasadeena istraatijiyadeed ee Dulqaadka waa uu soo dhamaaday cabirka aan ku sameenay Cabirka halista iyo amaanka dhamaan fikradaha oo dhan meeska ayey noo saaranyihiin,

Dalalka mareykanka iyo Kuuriyada waqooyi ayaa markana qarka u saaran Dagaal kadib markii dhoor jeer kuuriyada Waqooyi ay tijaabisay hubka qaada sunta nugliyeenka.

Muqdisho Somali