Agaasimaha la dagaalanka Burcad badeedka Puntland oo xilka laga qaadey, sababtu maxay tahay.

0
483

Garow(Kaafi Media.com)Madaxweynaha  Maamul Goballeddka Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa xilka ka qaadey Agaasimaha la dagaalanka burcad badeedka Puntland kadib markii Digreeto Xeer Madaxweyne Lr. ee March 19 2017 ay xafiiskiisa kasoo baxday.

Madaxweynaha  Maamulk Goballeedka Puntland ayaa ku sheegey wareegtada in xill ka qaadista  Agaasimaha la dagaalanka burcad badeedka  kala tashadey Wasiirka dekadaha halka ujeedkeedu yahay sidii loo dardar galin lahaa howlaha lagula dagaalmayo burcada badaha.

Wareegtada xilka looga qaadey Agaasimaha la dagaalanka burcad badeedka ayaa waxaa ku saxiixan  Madaxweyne Gaas oo Puntland ka maqan xilli ku xigeenkiisu sida Dastuurku qabo tahay in talaabdaan lagala tashado islamarkaana ku saxiixnaado qoraalkaan.

Xil ka qaadista Agaasimaha ayaa dhinaca kale tmid xilli dhowaan lagu afduubey xeebaha Puntland Markab xamuul ah kasoo Mudane  Cabdiazaq Maxamad Dirir kaga hadlay dhibaatada Kaluumeysiga sharci darada oo ku soo badatey xeebaha Puntland ay keeni karto taasoo sababi karta in dib u soo noqdaan howlaha bucad badeednimada kuwasoo horey loo dhabar gooyey.

Garowe

Kaafi Media.com