Maamul Goballeedka Puntland oo soo bandhigay markabkii la Af-duubtay.

0
474

Garowe(Kaafi Media.com)Maamul Goballeedka Puntland, ayaa Shalay  magaalada Bosaaso Xarunta Gobolka Bari kusoo bandhigtay Markabkii ku gooshayay calanka dalka Sri Lanka ee lagu af-duubtay xeebaha gobolka Bari todobaadkii lasoo dhaafay, balse dadaal badan kadib soo galay gacanta ciidanka ilaalada badda ee PMPF.

Dekedda magaalada Bosaso, ayaa lagusoo bandhigay Markabkan oo lagu magacaabo Aris 13 kasoo ay maamusho shirkad fadhigeedu yahay Imaaraadka.

Goobta lagusoo bandhigayay, waxaa joogay Madaxweyne ku-xigeenka dowladda iyo saraakiil katirsan maamulka Puntland.

Ciidamada badda  Maamul Goballeedka Puntland, ayaa mahad-celin ujeedisay dowladdu iyadoo ku ammaantay qaabka ay usoo bad-baadiyeen hantidan iyo shaqaalaha ajnabiga ah ee gaarayay sideeda ruux.

Waxaa loogu baaqay inay mar-walba ka hortagaan falalka wax u dhimaya sumcadda dowladda iyo soo laabashada falalka xiriirka la leh burcadda.

Markabkan ayaa kusii jeeday magaalada Muqdishu isagoo kasoo shiraacday dalka Jabuuti, waxaana la sheegay inay saarnaayeen adeegyo ganacsi iyo shidaal.

Todobaadkii hore dhammaadkiisa ayaa kooxdii saarnayd markabkan oo sheegatay inay yihiin kalluumaysato, waxaay isaga dagteen Arris iyagoo aysan jirin wax shuruud ah oo ay kusii daayeen.

Balse waxay xuseen in qorshahoodu ahayn inay dhibaateen markab u raran dad Somaliyeed balse iska difaacayaan maraakiibta jariiflayaasha ah ee lagusoo daayay xeebaha Puntland.

Madaxweynaha Maamul Goballeedka Puntland, ayaa mudadii ugu horaysay ee uu qabtay talada Puntland, wuxuu masiibo qaran ku tilmaamay jariifka isagoo sheegay in ciddii lagu helo lasoo taagi doono sharciga, balse taas badalkeeda, waxaa iminka xeebaha Puntland  ku sugan doonyo iyo maraakiib shisheeye oo ruqsado ka haysta xukuumadda.

Garowe