“Xiddigaha Geeska Waxaan leeyahay Munaafaqadda aad Shacabka Somaliland gelinaysaan ka daaya..” Yurub Geenyo Waraysi.

0
674

Muqdisho(Kaafi Media ):- Fannaanadda Yurub Maxamed Cabdi (Yurub-Geenyo), ayaa waraysi kulul oo ay bixisay kaga hadashay go’aanka Kooxda ay hore uga tirsanayd ee Xiddigaha geeska lagaga saaray iyada iyo saddex Fannaan oo kale. Waxaanay sheegtay inaanay Xiddigaha dhexdooda Fannaanad ku ahayn ee ay horena u heesi jireen, Xiddigaha ka dibna heesi doonaan.

Waxay Yurub-geenyo sheegtay in go’aanka kooxda lagaga saaray yahay mid aan lala wadaagin, ama waxba laga ogeysiin, isla markaana ay Kooxda Xiddigaha Geeska u soo jeedinayso inay Munaafaqadda ay gelinayaan Shacabka Somaliland ka dayso. Waxay ku doodday inay tahay Fannaanad Reer Somaliland ah, balse ay Fannaanad u tahay Soomaalida oo dhan meel kasta iyo dalkasta oo ay joogaan ama ku nool yihiin.

Kooxda Xiddigaha Geeska, ayaa Khamiistii toddobaadkan Xaflad ay ku qabsadeen Hargeysa ku sheegay inay ka saareen Kooxda oo maalintaa laga bilaabo aanay Xubno ka ahayn Fannaaniinta kala ah; Yurub-geenyo, Hodan Cabdiraxmaan, Nimcaan-Hillaac iyo Yuusuf-Hanad, kuwaas oo ay sheegeen inay jebiyeen Xeerarkii Xubinnimada Kooxda.

Hase-yeeshee, Fannaaniinta Nimcaan-Hillaac iyo Yurub-Geenyo oo Warbaahin kala duwan la hadlay, iyaga oo kala jooga magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya iyo magaalada Khartuum ee Caasimadda Suudaan, ayaa sheegay inaanay wax Xeer iyo Sharci ah oo ay jebiyeen jirin, balse Cusurinnimo iyo ujeeddooyin gaar ah uu salka ku hayo go’aanka Kooxda lagaga saaray.

 

Xigasho Waag Cusub.

Kaafi Media .com