Ma jiraa micnaha farqi u dhaxeeya Jaceyl iyo Guur? Q/2aad

0
538

Hargeisa (Kaafi Media)Macalinkii ayaa ardaydii ugu jawaabay,waxaan u kala saarayaa laba qeybood waxaan ku hormarayaa tan JACEYLKA jawaabtuna waa howshii aad hadda soo qabateen ee ku saabsanaa SARREENKA “Taasi waa JACEYL… maxaa yeelay waxaad raadineyseen midka ugu wanaagsan uguna weyn xabadda sarreenka ah laakiin ogow midkii saxda ahaa waad la weyday. adiga oo doondoonayaa midka aad aragtay mid ka sii weyn….’
Arddaydii ayaa ku celiyay macallinkii haddii jaceyl uu kaa yahay guurkiina ka waran?
Macallinkii ayaa yiri, si aan ugu jawaabo su’aashiina mar kale ayaan idin dirayaa beer kale oo aan aheyn tii hadda aad tagteen ee ina keena. waxey tageen beer uu ka baxayay dalaga GALLEYDA. “gala beertan oo ka soo xulo midka kuugu weyn dabadeed soo calaamadso kadibna soo laabo hana iloobina sharciga waa kii hore 10 daqiiqo iyo in meesha aad marto aadan ku soo noqon karin. waqtiga wuu bilowday gala beerta.
Arddaydii ayaa galay beerta, laakiin xilligan waa ka duwan yahay kii hore qof kastaa mid ayuu doortay wuuna calaamadsaday iyadoo ka fogaanayaa in qaladkii hore ay galaan, markii waqtiga uu macalinka qabtay ee ahaa 10ka daqiiqo inta uusan dhamaan qof kasta wuu heystay xabaddiisii waxeyna ku soo noqdeen fasalkii iyagoo faraxsan. Macallinkii ayaa yiri hayeh qof kastaa mid ma soo xushay? Haaa ayey yiraahdeen.
“TANI WAA GUUR….’ maxaa yeelay qof kasta doorashadisii wu sameystay waxaad eegatay mid weyn oo wanaagsan, adiga oo uu iimaankaada iyo rumeyntaada u arka in midkii saxda ahaa aad calaamadsatay. markale haddii aan ku celiyo beerta hore waa JACEYL beerta dambena waa GUUR haddaba waad fahamteen farqiga u kala dhaxeeya Jaceyl iyo Guur.
DHAMAAD

W/Q Siciid Xagaa afrax.

Kaafi Media