Madaxweynaha Maamulka Soomaaliya oo la kulmay dhigiisa Dalka Kenya

0
465

Nairobi Kenya(Kaafi Media .com)Madaxweynaha Maamulka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa halkaasi kula kulmay dhigiisa Kenya Uhuru Kenyatta oo ay ka wada hadleen xiriirka labada dal.

Labada Madaxweynaha ayaa ka wada hadlay iskaashiga xagga ganacsiga, xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, xoojinta la dagaallanka argagixisada Al-shabaab iyo arrimo kale.

Madaxweynaha Maamulka  Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa inta uu ku suganyahay dalka Kenya waxaa uu halkaasi uga qeyb geli doonaa Shir-madaxeedka Urur Goboleedka IGAD oo 25-ka bishan ka dhici doona magaalada Nairobi, kaas oo diiradda lagu saari doono arrimo dhowr ah oo gobolka khuseeya oo ay ugu horreyso arrinta qoxootiga.

Lix Faaiido oo ka dhexmuuqda Heshiiska Soomaaliya iyo kenya.

1- Duulimaadka tooska waxa uu fursad uyahay Dhamaan Soomaaalida iyo Ajaanibta ka baxa Soomaaliya, sababtoo ah Saacado badan oo ay ku luminjireen Wajeer ayaa meesha ka baxaya.

2- Arinka Visaha waa fursad kale oo Dadbadan ay ka faaiidaysanayaan inkastoo wali Dadka isticmaala Passaport-ka Dadwaynaha oo ah kuwa ugu badan ee qaba baahida.

3- Maamuuska Dawladnimo ee Soomaaliya ee soo kobcaya ayuu qiimo wayn u leeyahay heshiiskaan, sababtoo ah waxeey ka jawaabtay Baahida Bulshadeeda.

4- Labada Bulsho ee Labada Dal Dano badan ayay ka helayaan furista Xuduudka, sababtoo ah waxeey sahlaysaa isu gudubka iyo Ganacsiga.

5- Labada Dawladood dan ayaa ugu jirta, sababtoo ah waxeey kor u qaadaysaa Xiriirka Dublamaasiyadeed ee ka dhaxeeya.

6- Amniga Labada Dal dan ayaa ugu jirta, sababtoo ah wadashaqayn ka dhaw intii hore ayuu abuurayaa.

Kaafi Media .com

Nairobi Kenya