Ciidamo ka tirsan Booliiska Maamul Goballeedka Puntland oo lagu weerarey Bam gacmeed.

0
471

Bosaaso(Kaafi Media.com)Koox dabley hubeysan ah ayaa fiidnimadii habeenkii xalay Feb 26,2017 weerartey ciidamo Booliska ah oo jidgooyo u taaley wadada hormarta warshadii hore ee Netco halkaasoo ay ku dhaawacmeen Afar Askari.

Ciidamada Booliiska ayaa rasaas badan ridey kadib markii Bamkaas lagu soo tuurey iyadoo aysan jirin dad shacab ah oo waxyeelo u gaysatey tacshiiradaas dhacdey.

Weerarkaan ayaa yimid 24 saac kadib markii ciidamada amaanka Puntland xabsiga u taxabeen Cabdulqaadir Axmed Xarago kadib markii wareysi uu siiyey Idaacada VOA kaga hadlay in Jirdil loo gaystey dhalinyaro lagu soo eedeeyey Iney qayb ka ahaayeen dilal  magalada Bossaso ka dhacey.

Xariga Cabdulqaadir Axmed Xarago ayaa waxaa uu sababey in dhalanyaro kamid ah tageerayashiisa ah dibadbaxyo ka sameeyaan xaafad ka tirsan magaalada Bossaso.

Dowlada ayaa ciidamo gaysey xaafadaas iyadoo weli jirin wax war ah oo kasoo baxay dowlada Puntland iyo hay’adaheeda amaanka.

Madaxweynaha Puntland ayaa ku sugan magalaada Bossaso iyadoo dhinaca ku sugan yihiin gudoomiyaha Barlamanka iyo madaxweyne ku xigeenka.

Xigasho Garowe

Kaafi Media