JORDAN:Shirka Wadamadda Ku Jaamacadda Carabta oo ka furmay Dalka Jordan.

0
508

Jordan(Kaafi Media )Shir madaxeedka 28-aad ee Ururka Jaamacada carabta ayaa maanta ka furmay magaalada Amman ee xarunta dalka Jordan, kaasoo hogaamiyaasha uga hadlayaan arrimo ay kamid yihiin Abaarta Somalia.

Kulankan waxaa ka qeybgalay wafdi uu hogaaminayo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo ka jeedin doono Khudbad uu uga warbixinayo xaaladda dalka Somalia.

Madaxweynaha Somalia ayaa ka helay casuumad ka helay Boqorka dalka Urdun Boqor Cabdalla, waxaana uu qeyb ka noqonayaa 22 Hogaamiye oo ka hadlayo xaaladda wadamada carabta.

Qoraal Madaxweyne Farmaajo uu soo dhigay bartiisa Twitterka wuxu ku sheegay inuu aad uga maqsuud yahay ka qayb galka shirkan.

Waa safarkii 3-aad oo Madaxweyne Farmaajo ku aado dalka dibadiisa tan iyo calaama-saarkisia 22-kii bishii lasoo dhaafay, ee February.

Xogyahaha Guud ee QM Antonio Guterres ooo horaanta bishan booqasho ku yimid Somalia ayaa ka qeybgaly Shirka, waxaana la filayaa inuu ka codsado Madaxda carabta inay wax ka qabtaan xaaladda abaarta Somalia.

Arrimaha sida aadka ah diirada loogu saari doono shirkaasi waxaa kamid ah; colaadda u dhaxaysa Falastiin iyo Israel, waxaana ay dib usoo celin doonaan heshiiskii Nabada Bariga dhexe oo 2002 lagu gaarey dalka Lebanon.

Madaxweynaha maamulka Falastiin Maxamuud Cabaas ayaa ka jooga shirka, wuxuuna ugu baaqay dowladaha carabta in Israel laga saaro deegaanada ay xooga ku qabsatay 1967.

Kaafi Meida

Somalia