Soomaaliya: Koox Taabcsan DAACISH Oo Sheegay Inay Hawl-gal Khaarajin Ah Ka Fuliyeen Muqdisho.

0
477

Mudisho (Kaafi Media.com)Kooxda Daacish ayaa markii ugu horeysay sheegatay in ay sarkaal ka tirsan nabad-sugida ku dishay magaalada Muqdisho, kaddib war ay ku shaaciyeen wakaalad wararka u faafisa.

Ilaa iyo hadda ma jiro war ka madaxbanaan sheegashada Daacish ama ka soo baxay dowladda federaalka oo ka hadlay sarkaalka sarkaalka ka tirsanaa nabad-sugida, Wallow aanay Magaciisa iyo derajadiisa midna sheegin.

Kooxda Daacish ayaa horay u sheegatay in ay ka howlgasho deegaannada Puntland, hase ahaatee sheegashadan ah in ay howlgal ka fuliyeen Muqdisho ayaa noqonaya kii ugu horeeyay.

Sanadkii horay ayey aheyd markii kooxo uu hogaaminayo ninka lagu magacaabo Sheekh Cabdiqaadir Muumin oo ka goostay Al-shabaab ku dhawaaqeen in ay ku biireen kooxda ISIS ama Daacish, waxaana ay kooxda ka howlgashaa deegaanno ka tirsan Puntland.

Kaafi Media.com

Somalia