Shirkadda Caanka Ah Ee Panasonic Oo Soo Saartay Makarafoon Ama Cod Baahiye Kuu Turjumaya Luqadaha Dunida Lagaga Hadlo.

0
564

Hargeisa (Kaafi Media)Shirkadda Panasonic ayaa soo saartay cod baahiye kii ugu horreeyey ee noociisa ah oo kuu sahlaya in uu kuu turjumo luuqado dhawr ah oo dunida lagaga hadlo kaasi oo wax badan ka saacidi doona dadka ka shaqeeya dhinaca arrimaha dalxiisa ee hagayaasha loo yaqaano ama tilmaama ee hor gala dadka dalxiisayaasha ah ee dunida isaga kala yimaad, gaar ahaan kuwa soo booqda waddanka Japan.

Shirkadda caanka ah ee Panasonic ayaa daaha ka rogtay tijaabada makarafoonkan oo loo yaqaano Magahonyaku, kaasi oo ah cod baahiye casri ah oo la filayo in suuqyada caalamka la soo galiyo Bisha December ee isla sannadkan wakhtigana hab tijaabo ah uga shaqaynaya goobo dhawr ah oo ku yaalla dalkaasi Japan, gaar ahaan magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi sida Tokyo iyo kuwo kale.

Afhayeen u hadlay shirkadda Panasonic ee dalka Japan ayaa sheegay in cod baahiyahan oo ah nooca gacanta lagu qaataa uu noqon doono kii ugu horreeeyey ee noociisa ah ee dunida laga adeegsado iyaga oo ugu talo galay gaar ahaan in uu dadka ka anfaco dhinaca turjumidda luuqadaha ugu waaweyn adduunka gaar ahaan luuqadda reer Japan ku hadlaan. Kaasi oo awood u yeelan doona in hadba qofka dadka kula hadlayaa uu dooran doono luuqadda dadka uu la hadlayaa fahmayaan isna uu luuqaddiisa adeegsan doono kadibna uu hab turjumid degdeg ah uu makarafoonku samayn doono. Tusaale ahaan haddii uu qofka isticmaalayaa ku hadlayo luuqadda Japanese-ka dadka uu la hadlayaana ay u badan yihiin kuwo fahmaya luuqadda Ingiriisida waxa uu isagu isaga hadli doonaa Japanese-kiisa codka makarafoonka ka soo baxayaana waxa uu noqon doonaa Ingiriisi kaasi oo sidaa ku noqonaya mid ka mid ah aaladihii tiknoolajiyadeed ee ugu dambeeyey dunida.

Lee Koyota oo ah afhayeenka wax soo saarka ee Shirkadda Panasonic oo wax soo saarkoodan casriga ah ka hadlayaa waxa uu yidhi: “Makarafoonkan turjumaha ahi waxa uu awood u leeyahay in uu wakhtigan kuu sahli karo luuqadaha Ingiriisida, Shiinayska iyo Luuqadda Kuuriyaanka balse qorshahooda dhawi uu yahay in ay ku daraan luuqadaha Ruushka iyo Spanishka”.

Aaladdan casriga ah ee loo bixiyay Magahonyaku waxa uu wakhtigan hab tijaabo ah uga hawl galay xafiisyo dhawr ah oo ay ka mid yihiin kuwa dab-damiska, xafiisyada dalxiiska u qaabilsan dalka Japan iyo goobo kale oo ay ka mid yihiin madaaradu waxaana la filayaa in rasmi ahaan suuqyada Japan lagu soo daayo 18-ka Bisha December ee innagu soo aaadan isaga oo la sheegay in lagu kala iibsan doono qiimo lacageed oo dhan $2000 oo dollar.

Xigasho:Foore

Kaafi Media