SOMALILAND: Sallaxley: Wefti Ka Socda Xukuumadda Somaliland Oo Kormeer Ku Sameeyey Mashaariicda Ka Socota.

0
540

Hargeysa  (Kaafi Media)-Wefti Wasiiro ah oo ka tirsan Xukuumaddda Jamhuuriyadda Somaliland oo uu hoggaaminayey Wasiirka Madaxtooyadda Md. Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa soo kormeeray Banka qool caday oo ay Xukuumadddu ka hirgalisay Ceel biyood iyo Dugsiga Boodhinka ah ee Sallaxley iyo mashaariic kale.

Weftiga oo ay ka mid ahaayeen Wasiirada Xanaanada Xoolaha Cabdillaahi Cukuse, Maaliyada Samsam Cabdi Aaadan, Biyaha Xuseen Cabdi Boos iyo Safiirka Somaliland ee Imaaraadka Baashe Cawil Cumar.

Weftigaasi oo si weyn loogu qaabilay Sallaxlay ayaa hadlo ka jeediyey munaasibad loo sameeyay, Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi oo halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “ Farxad weyn ayey noo tahay  in aanu socdaalkan kormeerka ah ugu soo baxno degmadda Sallaxlay iyo deegaamada hoos yimaada, ujeedada socdaalkayagu waxay salka ku haysay in aanu soo indho-indhayno dugsiga farsamada gacanta ee Haldoor ay gacanta ku haysay oo xukuumad ahaana aanu gacan weyn ka gaysanay, annaga oo jecel in aanu halkan ugu mahad celino ururka Haldoor, dhallinyaradaas mutadawaciinta ah ee aragtida dheer la yimid ee mashruucaas hindisay aad iyo aad ayaanu ugu mahad naqaynaa, waxaanu iyaga iyo deegaankaba ugu ballan qaadaynaa in aanu mashruucaas qabyo tiri doono. Waxa kale oo aanu soo marnay ceelkii Qoolcaday, ceelkaas oo qodmay saddex boqol iyo dhawr iyo toddobaatan mittir, waxa laga maalgaliyey mashruucaas sanduuqa maalgalinta Somaliland, xukuumadda Somaliland ayaa qorshaheeda dhigtay, waxaanu u mahad celinaynaa dawladihii innaga caawiyey maalgalinta ee dawladdaha Ingiriiska iyo Denmark ay ka mid yihiin.”

Wasiirka Madaxtooyadda ayaa sidoo kalena yidhi “Waxaanu u nimid in ceelkaas furitaankiisa bilowgiisii aanu indho-indhayno, biyihii soo baxay arragno qabyo yar ayaa ku jirta, oo ah dardarkii, taangigii iyo qolalkii waashmaanadu seexanayeen si fiican ayaa maalinta dambe loo qabyo tiri doonaa, ceel labaad ayaa deegaankaa lagga qodi doonaa. Mashaariicdaasi waxay ahaayeen mashaariic deegaankan muran badan ka abuuray, Xukuumadda Somaliland waxay qorshaysay banka qoolcaday inay xidho oo xilliyada abaaruhu dhacaan sida ta maanta oo kale lagaga baxsado abaarta, xilliga gu’gana ay innoo xidhnaadaan oo naqa ka baxa aynu daajino xoolaha xilliga kaliisha iyo jiilaalka, dacaayad badan ayaa lagu furay dadka samaha diida iyo dadka horumarku neceb ama maalgashi diidka cuduradaasi ku dhacaan waxay sameeyaan dacaayado ka dhan ah waxa la qabanayo, ilaa dacaayada la gaadhsiiyey barri ayaa dad laga soo rarayaa dabadeena waxa lagu furi doonaa banka qoolcaday, ILAAHAY bani-aadamka cid walba meel ayuu ku abuuray ciddina cid meel kama qaadi karto, ciddina isma riixi karto, Ilaa xadkaa caqliga wanaagsani aanu qaadan karin ayey gaadhay.”

“ Dad si wanaagsan u fakarayeyna way jiraan, oo lahaa waar meeshani waa deegaankayagii haddii nalaga xidho xaggaanu u guuraynaa, xilliga barwaaqada ah xaggaanu tagaynaa, dhulkii waa la kala ootay, aragtiyaha aan la kulmayey annigu taas ayaa ugu wanaagsanayd. Waxaanu xukuumad ahaan ka kulanay dareen xoogan oo ah waar biyaba ma rabno, ceelalna ha nooga qodina, oo ma harraadka ayaa doonaysaan?, arragtidii dadka waanu eegnay, dadka ma midaysneny ee wuu qaybsanaa, marka bulshadu aragti ku qaybsanto shardi maaha in la wado raaco, annaguna horumar iyo hal abuur ayaanu wadnay, waayo bini aadamku isku caqli maaha, isku aqoon maaha isku garashana maaha, waxa laysku xukumaa ninka hoggaamiyaha ummadda ahi wuu ka aragti dheer yahay ninka uu xukumo, dadka rayidka ah iyo shacbiga, wax ILAAHAY masuuliyada u saaray inuu keeni karro ama garan karo waxaanay inta kale garan karin, macnaheedu maaha dadka oo dhan ayuu ka caqli badan yahay, waxa ninka ummadda u taliya la talisa inta ummadda u caqliga badan, waxay helaan tallo faro badan si dadban iyo si toos ah.”

Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa ka hadlay dulqaadka Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo waxaanu yidhi “Mashruucan caqli iyo hal abuur ayaanu ku galnay waxa se ka hor timid daadad iyo duufaano ka dhan ah iyo aragtiyo ka dhan ah, waxaanu muddo qancinaynay bulshada, Xukuumad bisil oo waayo arag ah ayaanu nahay, xoogna kumaanu qaban wixii naga hor yimid, Xukuumad kali talis ahna ma nihin, waxaanu nahay Xukuumad dhawrta xuquuqda iyo xoriyaadka muwaadiniinta, xoriyada hadalka tixgalisa, markii dagaal xooga nalagu qaaday waxaanu isku daynay in aanu Ummadda qancino, u caqli celino u jillib sallaaxno, waar dadka maanu laaluushine waanu qancinay. Intii badnayn ayaa na raacday. Ka dib waxaanu nidhi inta yari ma xanibi karto horumarka, sharcigana gacanta kuma qaadan karto, xoogna kuma joojin karto, haddii xoog jiro dawlada xooga leh, dadku xooga ma leh, dawladdu iyadaa dadka kala celisa, iyadaa dadka caddaalad u samaysa iyadaa isku wada, Dawladdu qollona maaha, kooxna maaha ee waa wixii ummaddan ka dhaxeeyey, maalinbana ninbaa hoggaamiya.

“Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa sidoo kalena ka hadlay sababta loo joojiyey seerihii banka Qoolcaday waxaanu yidhi “ Mashuurcii banka xidhitaankiisa dibaanu u dhignay, lacag badan ayaa ugu jirtay Sanduuqaas, waxaan dadka deegaanka u sheegayaa waxa ay ahayd  qorshe looga qorsheeyey sanduuqa horumarinta Somaliland, deegaanada dalka waa loo qaybiyaa mashaariicda, ummadda qaniimada qaranka waa loo qaybiyaa qayb ay u haleen ayey ahayd haddii uu mashruucaasi dib uga dhacaynba murankii iyo buuqii ayaa keenay, annagu meel adag ayaanu iska taagnay dibna umaanu dhigneene waxa se dacwadu gaadhay ilaa  dawladihii deeqda bixinayey dacwad loo geeyey oo la yidhi waa laysku dilayaa, mashaariicdiinii oo ay nagu yidhaahdeen cashuurta dadkayaga raalli kama nihin in dhiig ku daato, waxaan leeyahay shacbiga Somaliland waxaynu u baahan nahay in is aaminka dhexdeena aynu kordhino oo tuhunka iska saarno inaynu horumarka iyo maalgashiga iyo waxa inoo kordhaya soo dhawayno, midab iyo deegaan midna ma kala laha lab iyo dhadig-na ma kala laha barwaaqadu, ama waynu wada barwaaqoobi oo waa wada badhaadhaynaa ama waa wada ba’aynaa. Waxa dalka u soo kordhaana waa wax inoo soo wada kordhay.”

Kaafi Media

Hargeisa Somaliland