SOMALILAND:Wafiti u Hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland ayaa ka qaybgalay shirkii 4 Afraad ee loo qabto Dalalka Islaamka ee Qaradda Afrika oo ka dhacaday Dalka Tanzania.

0
544

Tanzania(Kaafi Media)Wefdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibedda  Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa ka qeyb galay shirkii 4 Afraad ee loo qabto dalalka Islaamka ee Qaradda Afrika oo Somaliland markii ugu horeysa lagu casuumo, shirkan waxaa lagaga hadlayay siddii  dalalka Qarada afrika ee islaamka ahi ay u dhiiri gelin lahaayeen maalgelin  ku dhisan nidaamka islaamiga ah ee loo yaqaan(Islamic Finance)  iyo sidii loo fududeyn lahaa shuruucda  bananka islaamka ee dalalkaasi.

 

Shirkaasi waxaa ka soo qeyb galay badi dalalka islaamka ah ee qaraada afrika oo ay Somalilandna ka mid tahay.  madaxd Sharafeedkii   halkaasi ka hadlay waxaa ka mid ahaa

Wasiirka Arrimaha dibedda&Isk. Caalamiga ah ee  Somaliland  Dr. Sacad Cali Shire

Kaaliyaha xafiiska Madaxweynaha Tanzanaia H.E  Faustin  Kamuzora

Safiirka dalka sudan u fadhi Tanzania H.E Mahgoub Ahmed

Safiirka dalka Pakistan u fadhi Tanzania H.E Amir Khan

Gudoomiye –ku Xigeenka Hay’ada  Cameysika Tanzania H.E Saqware

Dhamaan madaxdaasi  waxay hoosta  ka xariiqeen ahmiyada ay leedahay in la  dardar geliyo nidaamka maalgelinta bangiyada islaamiga ah Qaraada Afrika .

 

Khudbada uu ka jeediyey Wasiirka Ariimaha Dibedda Somaliland  ayaa waxa weyn ka badashay Waxa xusdi mudan dadkii  meesha joogay oo ay  soo jiidatay markii  Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland uu la wadaag  in barlamaanka Jamhuuradda  Somaliland ay ansixiyeen  Xeerka Bananka Islaamka XEER LR.55/2012  oo Maxaweynahay Jamhuuryada Somaliland uu saxeexay dhaqan gelinta xeerkaasi 2012 bishii 10/03/2012.

 

Shirka ayaa markii la ogaaday fursadaha maalgashi  ee yaala Somaliland waxay ku dhiirgalisay inay balan qaadan inay safar ku yimadan Dalka Somaliland sahaminta  maalgashi uga sameyn lahayeen kheyraadka dihin ee ku jira dalka markii ug horaysay ee lagu marti qaaday Shirka Nuucan ah .

 

Wefdiga Wasiirka waxaa ku weheliyay  Gudoomiyaha Hay’ada Qurbjooga JSL Abdi Cabdilahi Xirsi iyo Agaasimaha Waaxda  Siyaasadda ee Wasaaradda  Arrimaha Dibedda Somaliland,Cabdiqani Axmed Xassan “Goole”

Gaba gabadii shirkaasi waxaa shahaado sharaf la gudoonsiiyay Wasiirka Arrimahad Dibedd Somaliland  iyo xubnihii la socday ee wefdigaasi.

Wefdiga uu Hogaaminaya wasiirka Sacad Cali Shire ayaa waxaa la filayaa in ay kulamo kala duwan la yeeshayan dawlada Tanzania gaar ahaan Wasiirka Arrimaha dibeda Tanzania Ambassador Augustine Mahiga. Waxa kaloo la filaya in wefdigu   kulan balaadhan la yeeshaan  Jaalliyadda  Somaliland ee ku dhaqan dalka Tanzania.

 

Source: Wasaaradda Arrimaha dibedda &isk. Caalamiga ah ee

                         Jamhuuridda Somaliland

Kaafi Media

Hargeisa Somaliland