SOMALIA:Shirka Garsoorka Qaraada Afrika oo ka furmay Suudaan iyo Dhibatooyinka horyaala.

0
475

Muqdisho(Kaafi media)Magaaladda khartuum ee xarunta Dalka Suudaan waxaa ka furmay shir looga hadlayo arimaha garsoorka, waxaana dowladda Soomaaliya shirkaasi uga qeyb galay wafdi uu hogaaminayo Gudoomiyaha maxkamadda sare ee dalka.

Shirkan oo uu  furay Madaxweenaha Dalka Suudaan Cumar Xasan Axmed Albashiir ayaa ahaa shirkii  koowaad ee Gudoomiyaasha Maxkamadda sare Gudoomiyaasha Garsoorka ee Qaraadda Africa iyadoo ay ka soo qeeb galeen wadamada Africa badankooda waxaana  dowladda Soomaaliya u matalayay gudoomiyaha maxkamadda sare ee dalka  Ibraahim Iidle Sulaymaan iyo Saalax Sheekh Ibraahim Dhiblaawe gudoomiyaha maxkamadda Racfaanka gobolka Banaadir.

Arimaha ugu muhiimsan ee shirka diirada lagu saaray ayaa waxaa kamid ahaa sida laga yeelayo muranka soo kala dhexgala bulshada qeybaheeda kala duwan kuwaas qaarkood ka baxsan garsoorka iyo maxkamadaha.

Dhanka kale, gudoomiyaha maxkamadda sare ee dalka Ibraahim Iidle Sulaymaan ayaa booqday bandhigga waxqabadka  garsoorka  Suudaan , isagoo tibaaxay  in uu indhihiisa ku soo arkay waxyaabo layaab leh taa oo ah  diiwaanka dhulka ee Suudan 1928 ilaa iyo iminka in lahayo.

Shirkan ayaa lagu wadaa in uu socdo mudo sadex maalmood ah islamarkaana uu ku egyahay maalinimada Talaadada ah ee inagu soo food leh.

Khartoum Suudan