SOMALIA:Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliya oo la kulmay Taliska Booliiska Abu Dhabi.

0
502

Abu Dhabi(Kaafi media)Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed S/Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa dalka Imaaraadka Carabta kula kulmay  Taliska Ciidanka Boliiska Abu Dhabi.

Jeneraal Xaamud ayaa muddadii uu joogay Magaalada Abu Dhabi oo ahayn 28-31 Maarso waxaa isaga iyo wafdigiisa si diiran loogu soo dhoweeyey halkaasi.

Taliska Ciidanka Boliiska Abu Dhabi S/Gaas. Maktoum Al Shariifi, Abbaanduulaha Ciidanka Boliiska, oo kulan la qaatay taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed ayaa waxa ay ka wada hadleen sii xoojinta xiriirka laba dal, gaar ahaan labada Ciidan, waxaana shirarkaasi goob joog ka ahaa Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Imaaraadka Danjire Cabdulqaadir Shiikhey Al Xaatimi iyo wafdigii Taliyaha la socday.

Muqdisho Somalia