SOMALIA:Culimada Soomaaliyeed oo Bayaan kasoo Saaray Koox Diimeed Masar Somalia lagaga Dhawaaqay

0
407

Muqdisho(Kaafi media)Bayaan shirkaas kasoo baxay ayay sidoo kale looga digay umadda Islaamka ah inay qaataan fikirka kooxdan oo la sheegay inuu ku salaysanyahay afkaar khaldan iyo sunnaha Nabiga oo si qalloocan loo adeegsanayo.

Waxay sidoo kale ugu baaqeen kooxdan inay kasoo laabato fikirkaas oo ay u tooban keenaan ALLE Subxaanahu-Watacaalaa.

Qoraalkaas ayaa sidoo kale culimada Somaliyeed lagu faray inay ka shaqeeyaan sidii shacabka looga digi lahaa inay qaataan mabda’an.

Khudbadihii laga jeediyay Masaajidda dalka Somalia ayaa aad looga hadlay arrintan oo la sheegay inay tahay bur-bur hor leh iyo kala qaybin lagu samaynayo dadka Islaamka ah, waxaana bulshada loogu baaqay inay ka fogaadaan qaadashada fikirkan.

Bayaanka Culimada Somaliyeed ayaa kusoo beegmay xilli kooxdan laga taageeray deegaanada Somalida gaar ahaan Puntland iyo Somaliland, kadib war-saxaafadeedyo ay soo saareen rag sheegaya inay qaateen baaq kasoo baxay ururkan looga dhawaaqay Masar todobaadkii hore.

Kaafi media

Muqdisho Somalia