SOMALIL:Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle oo Magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Kalluumeysiga.

0
430

Jawhar (Kaafi media)Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble Ayaa u Xildhibaan Maxamuud Xuseen Mooge u magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Halkan hoose ka akhriso Wareegtada uu madaxweynaha maamulka Hirshabeelle ku magacaabay wasiirudowlaha cusub

Wareegto Madaxweyne Ujeedo:-Magcaabis Wasiiru Dowle

Kaddib Markuu arkay qodobka 51-aad farqadda 5-aad ee Dastuurka KMG ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Kaddib Markaan arkay baahida loo qabo in lagu kordhiyo Wasiiru Dowle Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda.

Waxaan u magacaabay Maanta oo ay taariikhdu tahay 11.April 2017, Xildhibaan Maxamuud Xuseen Mooge Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Ee Dowladda Hirshabeelle.

Wasiiru Dowlaha waxa uu u xilsaaranyahay Waajibaadka ku cad Dastuurka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Sharcigani Wuxuu dhaqan galayaa Marka uu saxiixo Madaxweynaha.

Kaafi media

Jawhar Somalia