6/ 4/ 1960: Doodii Baarlamaanka Soomaalilaan Ee la-midowga Soomaaliya, W/Q: Cali Cabdi Coomay.

0
489

Hargeia(Kaafi media)Sida ku qeexan qoraalada diiwaannada hadalada xildhibaannada Somaliland ee doodaasi ka qaybgalay dhammaantood waxa ay u arkaayeen in madaxbannaanida

6 April, 1960kii ayey doodani si kulul uga dhex socotay golahaasi sharci-dejinta Somaliland. Shirkani wuxuu ka dhacay xarunta maxkamada Goodirka. Waxa shirka fadhiyey Badhasaabkii ingiriiska ee wakhtigaasi oo la odhan jiray Sir. Douglas Hall, oo furitaankii shirkaasi hadal ka jeediyey. Ka dib waxa la gudogalay dooddii, waxaana furay Guddoomiyihii baarlamaanka oo ahaa Jaamac C/laahi Qaalib “Ina diirqadhaadh    “. Ajandaha shirku wuxuu ahaa labadaasi  qodob, oo si faahfaahsan u noqonaya:

  • Madaxbannaanida Somaliland oo Ingiriisku gacanta ku hayey.
  • Ta kalena waa arrin ku saabsan midawga dhex mari doona Somaliland iyo soomaliya.

waa laba arrimood oo kala duwan oo mid waliba yeelan karto doodeeda u gaarka ah, haddana wuxuu

goluhu go’aansaday inay labadaasi arrimood ee kala duwan noqdaan ajande kaliya, loogana doodo si wadajira tiiyoon la kala qaadin. Marka la dhuuxo qoraalada, lagana baaraan dego doodaasi iyo xildhibaannada doodaas ka qaybgalay soo jeediyeen, waxa inoo muuqanaysa sababta goluhu isugu dhafay labadaasi  arrimood, ugana dhigay ajande keliya.

Sida ku qeexan qoraalada diiwaannada hadalada xildhibaannada Somaliland ee doodaasi ka qaybgalay dhammaantood waxa ay u arkaayeen in madaxbannaanida iyo la midawga Soomaaliya yahay arrin kaliya oo isku dhafafan tahay, habboon tahayna inaan gooni-ggooni looga kala doodin, taasoo xildhibaanadu si caddaana oo marag ma doona u qeexeen in madaxbannaanida iyo midnimada ay Soomaaliya la yeelanayso ay wada dhacaan maalin kaliya oo ku beegan 1 July, 1960. Waxayna ugu muuqatay in haddii midkood la waayo ka kalana aanu jirayn.

Innagoo aan halkan ku soo wada koobi Karin hadaladii xildhibaannada oo dhan, nuxurka hadaladooduna yahay mid meel u wada jeeda oo aan wax khilaaf ah soo kala dhex galin, haddana tusaale ahaan aan soo qaadano fikradihii xildhibaannada Somaliland rumaysnaayeen, iyadoo aynu tixraacayno hadalladii dhawr xildhibaan oo xisbiyo kala duwan ka socday:

Hadalladii Xildhibaanada

Ugu horayn waxa shirka ka hadlay xildhibaan Maxamed Biixi Shuuriye, oo ka tirsanaa xisbigii SNL lagana soo doortay Hargaysa xaafadda Sheekh Madar, ayaa  yidhi” Ajandaha shirku waa “ Xornimo iyo Midnimo”. Hadalkan waxa ku soo heshiiyey labada xisbi ee SNL iyo USP oo baarlamaanka aqlabiyad ku lahaa. Mudane Shuuriye wuxuu intaasi raaciyey, waxa soo dhow maalintii Soomaaliya xornimada la siin lahaa, markaa haddii Somaliland isla maalintaasi xornimo waxa meesha ka baxaysa mushkiladii ay midnimadu yeelan lahayd.”

Xildhibaannada Somaliland waxa ay doonaayeen in Somali oo dhan yeelato dawlad keliya. Xildhibaan Ibraahim Cismaan Food (Basbaas) oo ka tirsana xisbiga SNL, lagana soo doortay degmo-doorashada Cadaadlay oo arrintaas qeexayaana waxa uu yidhi; “Soomaalidu ma doonayso shan dawladood oo kala gooni-gooniya, xataa laba dawladood oo kaliya ma doonayso.Waxay Soomaaliya qaadanasya xornimadeeda 1-da Juuly.Waxaan annaguna rajaynaynaa inaanaan maalintaas dib uga dhicin.”

Waxa kale oo rumaysnaayeen in xornimada Somaliland iyo midnimada Soomaaliya maalin keliya noqoto.Xildhibaan Xaaji Ibraahim Nuur oo ka tirsana xisbiga USP, lagana soo doortay degmo-doorashada Dila oo arrintan qeexaya wuxuu yidhi; “Waxay Soomaaliya qaadanaysaa Xornimadeedii 1 July, annaguna waa inaannu maalintaas qaadana xornimadayada si ay u suurtagasho inaannu isla malaintaas midawno.”

Waxa kale oo ay rumaysnaayeen in midnimada Somaliland iyo Soomaaliya horsoodayso midnimada shanta Soomaaliyeed. Xildhibaan Michael Mariamo oo ka tirsana xisbiga NUF, lagana soo doortay degmo-doorashada Ceel-afweyn oo arrintaas qeexaya, isna waxa uu yidhi; “Soomali oo idil ayaa sugaysa midowga labada dal ee Somaliland iyo Soomaaliya, waxayna midinimadaasi labada qaybood u horseedi doonta sidii shanta Soomaaliyeed oo idil u midoobi lahayd.”

Xildhibaan Yuusuf Ismaaciil Samatar “Gaandi”oo ka tirsanaa xisbigii SNL, lagana soo doortay Hargaysa xaafadda Sheekh Madar, ayaa isna hadalkiisa ku sheegay oo yidhi” waxa la ina sugaya dhammaan soomaalidii ku dhaqanayd geeska afrika, oo u hanqal taagaya xornimadeena iyo midowga shanta soomaaliyeed, markaa waa inay si dhakhso ah u dhacdaa xorimada iyo midowgu.”

Hadaladaasi waxay ahaayeen dhawr tusaale oo aan ka soo qaadanay doodii 6 April ee mudanayaashii laga soo doortay Somaliland, waana mid diiwaanada ay ka muuqato inay dhammaantood doonaayeen xornimo iyo midnimada Soomaaliya. La isma weydiin waxa la isku darsanayo iyo wixii shuruud ah ee labada dal kala saxeexanayaan, waan jabkii ugu horeeyey ee soo gaadha Somaliland.

Imikana aynu soo qaadano aragtidii xubnihii kulankaasi fadhiyey.

Philip Careloo ahaa Chief Secretary (Madaxii Maxmiyada Somaliland) wuxuu yidhi, isagoo ka jawaabaya hadaladaasi ay xildhibaannadu halkaas ka jeediyeen, waxaanuyidhi “Shaki igagama jiro in dadka ku nool Somaliland doonayaan inay la midoobaan Soomaaliya. Waxaanan hubaa in dalwadda Ingiriiskuna ku taageeri doonto himiladooda, laakiin bishii u dambaysay ayey dadka gashay jibbo weyn oo ay ku doonayaan inay la midoobaan Soomaaliya oo kowda bish Juuly ah, maalinta dalkaasi  qaadanaayo xornimadiisa. Ilaa iyo hadda wax wada hadala oo arrintaa ku saabsan oo labada dal (Somaliland iyo Soomaaliya) ka wada yeesheen ma jirto, waxaana jira arrimo badan oo u baahan in laga wada hadlo inta aan la midoobin ka hor.

Ugu horrayn waa in labada dal ku heshiiyaan distoor ka wada dhaxeeya.Si loo ilaaliyo xuquuqda iyo danaha dadka heshiiska wadagalaya oo idil, waa in arrrintan laga gaadho heshiis ka hor inta aan la midoobin.Sidoo kale waa in laga heshiiya, sharciyada doorashada, qaabka dawladu noqonayso, afka rasmiga ah, habka cashuuraha, lacagta la isticmaalayo, mushaharka shaqaalaha dalwadda iwm.Waxaas oo idiil waxay u baahan yihiin in dad khubaro ah loo xilsaaro si ay u darsaan, uguna soo talo bixiyaan.Si dawlada midnimadaasi ka dhalata ay u noqoto mid ku taagan dhidibo adag,” isagoo sii wata hadalkiisa wuxuu yidhi;

“Arrinta ugu daran ee u baahan in laga tashado waxay tahay arrinta Hawd iyo Reserve Area. Maalinta aad xornimada qaadataan ee ay midnimadu dhacdo, waxa dhammaanaya xilkii Ingiriiska ka saarna maxmiyada Somaliland.haatana dawladda Ingiriiska ayaa bixisa kharashka ku baxaya Hawd iyo Reserve Area. Haddii aad heshiis cusub laga gaadho hawlaha halkaas ka socda oo dhan ayaa joogsanaya, taasoo ah in heshiiskaas Itoobiya lala galay 1954kii uu noqonaayo mid dhammaaday.

Inkastoo, heshiiskaasi aan ogahay inaydaan jeclayn, haddana dadka reer Somaliland ayuu u suurta gelinaya maamul xuquuqdooda ilaaliya inuu halkaas joogo, marka ay u tallaabaan dhinaca hawdka.Haddii aan heshisi cusub lala gelin Itoobiya waxa meesha ka baxaya maamulkii ilaalinaayey xuquuqda dalkaas.Ilaalada halkaas joogta oo dhan ayaa loo raraya dhinaca Somaliland, mana jiri doonto cid kala ilaalisa beelaha haddii diriri ka dhex aloosanto.Mana helayaan taageero waxbarasho iyo mid caafimaad toona.”

Ugu dambayntii Badhasaabkii oo la odhan jirayDouglas Hall waxa uu jeediyey khudbad dheer, waxaana ka mid ahayd hadaladiisii; “Anigu dawladda Ingiriiska ayaan u gudbin doona sida dadka reer Somaliland u doonayaan xornimo iyo midnimo. Hase ahaatee, waxa idin saaran xil weyn oo ah inaad gudataan waajibaadka ay idinku leeyihiin dadkii idin soo doortay oo ah inaad ka ilaalisaan dhibaatooyinka ay ku keeni karto midnimo aan la soo dhamaystirin hawlihii lagama maarmaanka u ahaa oo si fudud oo degdega loo galay,” wuxuuna ku soogunnaanaday hadalkiisa;“Waxaan idinkula dardaarmayaa khatar ha gelinina mustaqbalka dadka dalka Somaliland.”

Fikrada labaadna waxa rumaysnaa xubnaha Ingiriiska oo ku soo doodaayey in ka hor intaan lala midoobin Soomaaliya, laga wada hadlo, laguna heshiiyo qaabka midnimada labada dal noqonayso, iyadoo midnimada ka hor loo baahan yahay in la sii lafo guro, lana derso, hawlaha labada dal ku kala duwan yihiin, arrimahaasina loo soo saaro khubar ka soo talo bixiya, kadibna laga gaadho heshiis labada dhinac oggol yihiin.

Waxa kale oo ay rumaysnaayeen in labada dhinac mid waliba gooni ahaanteed ay marka hore u noqoto dawlad madaxbannaan, kadibna labada dawladood ka wada hadlaan arrimaah midnimada, heshiis la isla ogol yahayna ka gaadhaan.

Nuxurkii Qodobadii Doodda

Doodii Golaha Sharci-dejinta Somaliland ee 6 April, 1960kii waxay ku dhammaatay go’aan goluhu soo saaray oo sida tan:

“Wuxuu golahan go’aansaday in tallaabooyin muuqda laga qaado sidii ay u midoobi lahaayeen Somaliland iyo Soomaaliya; waxaana lagama maarmaan ah in lagu dhaqaaqo hawlihii suurtogalin lahaa himiladan la higsanayo ee ka muuqata shucuurta dadweynaha ku nool dalka Somaliland oo u heelan inay u gaadhaan sida ugu dakhsaha badan.Sidaa awgeed, waa in laga qaado tallaabo caddaan ah oo geesinimo leh.Waa in taariikhda maalinta madaxbannaanida dalkani noqoto 1 Juuly maalinta Soomaaliya xornimada qaadnayso si isla maalintaas ay u midoobaan labada dal.”

Dheg-jalaq looma siin taladii ay soo jeediyeen madaxdii Ingiriisku, waayo waa laga aamin baxay, ka dib markii ay dhulka RESERVE AREA iyo Hawd ku wareejiyeen dawlada Itoobiya, ayna jabiyeen heshiiskii ay la galeen odayaasha Somaliland (Heshiiskii Saamaha). Waxaana muuqata in muddo laba bilood ka yar ka hadhsanayd xilliga la doonaayey in lala midoobo dalka Soomaliya, iyadoo aan haddana wali lagala hadlin arrinta midnimada madaxdii ka talinaysay dalka Soomaliya ee la doonaayey in lala midoobo.Hase ahaatee, wuxuu go’aankani soo dhiirigeliyey in Somaliland u horseedo dabadana ka riixdo sidii ay u midoobi lahaayeen labada dal.Toban cisho kadib 16 April ayuu wefti ka kooban afartii wasiir ee Somaliland u ambobaxeen muqdisho si ay xukuumadda Soomaaliya uga wadahadlaan mindimada labada dal.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, Qoraa ah.

Haragaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@hotmail.com

Tix-Raac: Taariikhda Maantu, waa siyaasadii Shalay……Maxamed Cabdi Ismaaciil “Diktoork” (2013). Wuxuu soo xiganayaa xafiiska kaydiya qoraalada taariikhiga ah “Public Record Office”

Kaafi media

Hargeisa