SOMALIA:Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Booqday Askar qabta dhaawacyo kala duwan oo ku jira Hospitaalka Madiina.

0
397

Muqdisho(Kaafi media)Booqoshada uu Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Axmed Maxamed Jimcaale uu ku tagey isbitaalka Madiin ee maqaalada Muqdisho oo ay ku jiraan qaar kamid ah Askartii Ciidanka Xoogga oo dhaawacya kala  duwan ka soo gaaray difaaca Dalka iyo qaar kale oo ku soo dhaawacmay qarax dhawaan ka dhacay Warshadda Nacnaca Degmada Wadajir ee maqalada Muqdisho.

Ujeedka booqoshada Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ahaa sidii askarta loogu dhiira gelin lahaay in ay sii xoojiyaan difaaca dalka looga xoreynayo Cadowga iyo ka warqabka xaaladahood Caafimaad, waxuuna Taliyaha Deeq lacag ah ku doon siiyay askarta dhaawacyada qaba ee lagu dabiibayo Isbitaalka.

Taliyaha Xoogga dalka Sareeyo Gaas Axmed Maxamed Jimcaale oo kbooqashada kaddib  la hadley Warbaahinta Qaranka ayaa  sheegay in dalka dibadiisa loo qaadi doono askarta qaar ee qaba dhaawacyada culus ee aan dalka waxba looga qaban karin.

Taliyaha ayaa qorsheynayo sidii loo xoojin lahaa tayada Ciidanka Xoogga Dalka iyo sidii ay u heli lahaayen Xaquuqdooda, waana booqshadii ugu horeysay uu taliyaha ku tego mid ka mid xarumaha caafimaadka ee magaalada Muqdisho oo ay ku jireen askar dhaawacyo kala duwan qaba.

Kaafi media

Muqdisho