Diirada Caafimaadka & Daryeelka Dadwaynaha: Qaybtii 1-aad, Qalinkii: Jamal A. Muse.

0
534

Hargeisa(Kaafi media)Run ahaantii sida ka muuqata magaca qormada, waxay diirada fogaan araga iyo falaga fiirada Wacyigalinta umadda dhiban kaga qayb qaadan doontaa in ay

“Gorfeynta & Falanqeynta Arrimaha Caafimaadka, Adeegsiga Diirada Fogaan araga, Daahfurka, Wacyigalinta, & Noolaynta Ka Hortaga Dilaaga Dedan”

HORDHAC:

Runtii waa waajib in laga hadlo arrimaha caafimaadka dadwaynaha Somaliland iyo guud ahaan dadka afka soomaaliga ku hadla, waana xaq iyo xuquuq nagu waajib ah, oo xirfadda, masuuliyadda, dareenka insaaniga ah, iyo caqliga suubban ayaa faraya in aannu ka qayb qaadanno kobcinta qaangaadhnimada garaadka ummadda ee dhinaca fahanka ammuuraha caafimaadka iyo ka hortaga cuddurada faafa. Dariiqyada muhiimka ah ee cuddurada faafa looga hortagi karo waxaa ka mid ah Wacyigalinta iyo baraarujinta maanka ummadda, dhiirigalinta nadaafada iyo daryeelka nafaqaynta hooyada iyo dhalaanka.

Arrintani waa mid xili kasta fulinteeda loo baahan yahay, balse

waa mid baahi wayn loo qabo maanta oo guud ahaan geyiga Soomaalidu degto ay halakaysay dhibaatada ka dhalatay aafada abaarta aan anigu ula baxay “Magacyo badan”, ee ka jirta geeska afrika. Waxaa la sheegayaa in meelo ka mid ah degmada Soomaalida uu ka dilaacay cuddurka DAACUUN “Cholerae”, siiba meelo ka mid ah Somaliland iyo DDSI. Sidaa darteed, waxaan isku duba-riday diyaarinta qormo la yidhaa Diirada Caafimaadka & Daryeelka Dadwaynaha.

Run ahaantii sida ka muuqata magaca qormada, waxay diirada fogaan araga iyo falaga fiirada Wacyigalinta umadda dhiban kaga qayb qaadan doontaa in ay badka soo dhigto qodobo badan oo ay ka mid yihiin, kuwa kan soo socda:

* Waa Maxay cuddurka Daacuun?.

* Taariikhda cuddurka Daacuun.

* Meelaha uu ka dhici karo cuddurka Daacuun.

* Habka faafida cuddurka Daacuun.

* Waxyeeladda cuddurka Daacuun.

* Waxyaabaha dhaliya cuddurka Daacuun.

* Calaamadaha lagu barto cuddurka Daacuun.

* Hanaanka baadhitaanka cuddurka Daacuun.

* Ka hortaga cuddurka Daacuun.

* Dawaynta, maareynta & xakameynta cuddurka Daacuun.

* Iyo qodobo kale oo badan.

WAA MAXAY CUDDURKA DAACUUN?:

Cuddurka Daacuun, wuxuu ka mid yahay cuddurada faafa amma safmarka ah “Epidemic diseases” amma haddaan si kale u dhigo waa cuddur si baahsan uga dhaca dunida oo dhan xiliyo cayiman iyo aagag cayiman oo xaalad gaar ahi ka jirto. Sidoo kale, waa mid ka mid ah cuddurada aadmiga aadka u dhibaateeya oo ku dhaca mindhicirka oo keena shuban aad u daran, waxaana sababa caabuq dhaliyaha ilma qabatayga ah ee loo yaqaan “Bacterial infection”, gaar ahaan nooca la yidhaa “Vibrio Cholerae”.

Qiyaas ahaan 3-5 malyuun oo qof ayuu asiibaa guud ahaan dadka maanta dunida ku nool, waxaana ku naf waaya dad tiradoodu ka badan tahay 100,000 oo qof. Inta badan Calaamadaha cuddurka Daacuun waa kuwo dhexdhexaad ah amma qarsoon, balse mararka qaarkood waxay noqon karaan kuwo aad u adag. Run ahaantii 10-kii qofba hal qof oo ka mid ah ayaa lagu arki karaa astaamaha daran ee cuddurka Daacuun sidda shuban biyood “watery diarrhea”, matag “Vomiting” iyo Casiraad “Cramps”. Dadka uu asiibo cuddurkani hadaan dawayn wuxuu ku keeni karaa fuuq bax daran “Severe dehydaration” argagax “shock” iyo dhimasho.

Cuddurka Daacuun, wuxuu aadmiga ka soo galaa marinka afka “the fecal-oral route”, wuxuuna weheliyaa waxyaabaha la quuto amma la cabo sida biyaha iyo cuntada. Haseyeeshee cuddurka Daacuunku ma aha mid ka caan ah meelaha ay ka jiraan addeegyo bulsho oo horumarsan sida hanaanka biyo qaybinta iyo nadaafada guud. Run ahaantii daaweynta bukaanka & baadhitaanka cuddurka

Daacuunku dilaaco “Outbreaks of cholera”.

Taariikhda sugan ee cuddurka Daacuunku waxay ka soo bilaabmaysa ka hor dhalashadii nabi Ciise. Marka laga duulo kayd taariikheedka uu ka tagay ninka loo aqoonsan yahay aabaha culuumta caafimaadka bahda reer galbeedka ah oo lagu magacaabi jiray Hippocrates amma Hippocrates-ii oo xusay in gacanka Hindiya uu ka dhacay cuddurka Daacuun.

Qarnigii 19aad dhakhtar u dhashay dalka Britain oo lagu magacaabi jiray john Snow ayaa markii ugu horaysay bixiyay addeega hoos dhigida hanaanka faafida cuddurka Daacuun. Isaga oo hoosta ka xariiqay in biyo nadiif ah oo bulshadu heshaa tahay dariiq hoos u dhigi kara khatarta faafida cuddurka. Xiligaa oo cuddurka Daacuunku dib uga qarxay magaalada London, gaar ahaan degmada Soho, ayuu john Snow ku dooday in qasabadaha addeega biyaha magaalada London ay yihiin isha soo burqanaysa cuddurka daacuunka.

Inkasta oo uu john Snow goortaa amma xiligaa ka hadlay arrimo badan oo muhiim ah, hadana daahfurkii caabuq dhaliyaha cuddurka Daacuun, waxaa lagu tixgaliyaa Robert Koch oo u dhashay dalka Germany, oo bartay culuumta bakteeriyada “Bacteriologist”. Si kastaba qarniyadii 19 iyo 20 aad cuddurka Daacuun, wuxuu ahaa mid halis badan ku haya meelo badan oo ka mid ah dunida, weliba nooca loo yaqaan “V cholerae O1 of the classic biotype”. Xili dayreedkii sanadkii 1992-kii ayaa ka lagu arkay dalka Bangladesh nooc cusub oo ka mid ah caabuq dhaliyaha Daacuun oo la yidhaa “Vibrio cholerae serogroup O139 or Bengal”. Isaga oo sanadkii 1993-kii gaadhay dalka india, wuxuuna noqday daacuunkii ugu baaxada waynaa ee dhaca muddo ku siman 11 qarni.

Taariikh ahaan cuddurka daacuunku wuxuu aad iyo aad ugu yar yahay bulshooyinka horumarka ka gaadhay dhinaca warshadaynta, koboca dhaqaalaha iyo nadaafada guud, balse wuxuu ku xoogan yahay qaarada afrika, gaar ahaan waddamada ka hooseeya saxaraha iyo qaarada yar ee Hindiya. Inta badan cuddurkani waa mid la arko oo dilaaca:

* Dagaalada ka dib, siiba aagaga ay xasilooni daro ka jirto.

* Meelaha ay ka dhacaan masiibooyinka dabiiciga ah ee biyaha iyo cuntadu wasakhawdo.

* Iyo meelaha isku raranta ah ee bilicda nadaafadu ka liidato.

………………….La soco qaybo kale oo aad xiiso badan.

Jamal A. Muse, Kuala Lumpur.

jamalabdiya@gmail.com amma hirdanheer@gmail.ocm

Kaafi media

Hargeisa