SOMALIA: Garoonka Aadan Cadde Oo La Weerarray Iyo Shaqaale Caalamiya Oo Qarax Ku Dhaawacmay.

0
434

 

Dhowr hoobiye, ayaa loo riday dhanka garoonka diyaaradaha ee ku yaaalla magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya Maanta.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay la dagaallameen kooxda hoobiyayaasha riday, waxaana Goobjoogayaal sheegeen inay rasaas is-dhaafsadeen ciidamada dowladda Soomaaaliya iyo kooxda.

Wararka waxay intaasi ku darayaan in laba ka mid ah kooxdaaasi la dilay, midna la qabtay.

Wasiirka Amniga Gudaha, Maxamed Abuukar Islow, ayaa sheegay in shacabka ay gacan ka geysteen arrinta ayna la shaqeeyeen ciidamada dowladda.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in wada shaqeyntaasi ay caawisay in laga hortago kooxda hoobiyayaasha rideysay.

Saraakiisha ciidamada Soomaaliya ayaa sheegay in ay qabteen gaadhi walxaha qarxa ay ka buuxeen oo raggaasi ay wateen. Waxay xaqiijiyeen in gaadhigaasi markii dambe uu qarxay.

Dhinaca kale, Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP ayaa sheegtay in qaraxa ay la kulmeen gawaadhi ay leedahay.

Qaraxa ayaa ka dhacay meel u dhow goobtii ay marayeen gawaadhida hay’adda oo ah gudaha Muqdisho.

Laba ka mid ah ilaaladeeda ayaa dhaawac fudud uu gaadhay, sida ay sheegtay WFP oo baadhaysa in weerarka lala damacsanaa gawaadhideeda iyo in kale.

Kaafi media

Muqdisho Somalia