Xikmadaha aragtida Siyaasadda iyo Dhaqaalaha.

0
1286

Waxaynu ku falanqayn doonaa hadba nidaam Siyaasiya, mid dhaqaale  oo ka jira ama soo maray Dunida. Maantana ila eega ama ila akhriya:-

Naasi (Nazism).

Waa fikir iyo dhaqan siyaasi ah oo la adeegsaday qarnigii 20naad una qaybsanaa Nazi Part iyo Nazi Germany taas oo laga dhaqan galiyey Dalka Jarmalka (Germany) waxaana fikirkan mishiinkiisa iyo dhaqaajiyihiisaba ahaa Adolf Hitler waxaanu ku dhisan yahay cunsuriyad si la mid ah ururada midagta fog ee wax cunsuriyeeyaa iyadoo ay is-shabahaan Fascist oo ay labadooduba aaminsan yihiin in cunsiriyada la cilmiyeeyo iyadoo la adeegsanayo sayniska (anti-Semitism). Naasinimada waxa sii horumariyay fikirka ah in jinsiga Jarmalku ka sareeyo dadka kale Pan-Germanism.

Fikradani waxay bilaabantay 1920. Waxaanay awooday in ururkii Nazi part ee iskalahaa fikradani uu xukunka wadanka ku guuleysto 1933. Fikradan oo la yidhaahdo (third Reich) Jarmalkii weynaa  waxay soo gabogabowday 1945 ka dib markii si xun loogu jabiyey ciidamadii iyo xukunkii Nazi-gaba dagaalkii 2baad ee Dunida.

Khubaro badan ayaa aaminsan in Nazism ay ahayd hab ka fog xaqa siyaasadda. Si ay u dhaqan geliyaan fikradaha cunsuriyadda waxay soo saareen xeerka Nuremberg Race waxay dadka aan Aryans ahayn ka mabnuuceen iyaga iyo  ururadda siyaasiga ah ee mucaaridka ku ahba  adeegyada dawladda ee aas aasiga ah. Waxaa kale oo ay xaaraantinimeeyeen in ay isguursan karaan ama ay dhexmari karto wax galmo ahi dadka jinsigoodu yahay Aryans-ka iyo dadyowga kale.

Naasiga ayaa malaayiin Yuhuud iyo Roma dadka loo yaqaano ee yurub ku nool iyo dadyow kalaba u diray xerooyin lagu kala saaro iyo xerooyinka dhimashada loo adeegsado oo ku yaalay dalka Jarmalka. Dadyowgii halkaa lagu laayey ama xasuuqa loogu geystay hada waxa loo yaqaanaa Holocaust.

Kelmada Nazi waxa loo soo gaabiyey (supporter of the Nationalsozialistische Deutsche Arbeiterpartei) oo macnaheedu noqonayo afka ingiriisida (National Socialist German Workers’ Party”.) afsoomaaliga(Ururka Shaqaalaha ,Qaranimada Hantiwadaaga ee Jarmalka.).

Soo if bixitaankii Ururka Naasiga (Nazi).    

Adolf Hitler ayaa qoray buug uu ula baxay  Mein Kampf ,oo af ingiriisi ku noqonaya (my struggle) afsomalina ku noqonaya (Dedaalkaygii). Buugan ayaa wuxuu ku sheegay in dhibaato kasta oo ku dhacday dadka jarmalka ay ka masuul yihiin Yuhuudu maxaa yeelay waxay samaysteen qorshe ay ku dhaawacayaan dalka Jarmalka. Waxa kale oo uu sheegay in Yuhuuda iyo siyaasiyiinta Hawl iyo Hanti wadaagu ay qorsheeyeen heshiiskii Xabad joojinta 1918 ee dagaalkii koowaad ee dunidu kusoo dhamaaday taas oo lagu ogolaysiiyey in Jarmalku bixiyo xadi weyn oo lacag ah iyo alaab magdhow ah.

Habeenkii 27naad ilaa 28naad ee February 1933 ayuu qof dab qabadsiiyey dhismaha Reichstag, halkaas oo ay ka dhacaysay shirkii baarlamaanka Jarmalku. Naasigu waxay eedeeyeen Hawl iyo Hantiwadaagii. Dadka kasoo horjeeda Naasigu waxay sheegeen inuu doonayo inuu awood u adeegsado, isla maalintaas ayaa waxa la ansixiyey sharciga xaalada deg dega ah oo lagu magacaabay (Reichstagsbrandverordnung) dawlada ayaa sheegtay inay xeerkan kaga hortegayso dadka dhaawacaya qaranimada wadankeeda.sharcigan marka la eego xaquuqdii madaniga ahayd ee dadka  Weimar Republic ku nooli may noqon mid waarta. Xukuumadii Naasigu waxay u isticmaashay dhinacyadii kale ee siyaasadda ay iskaga soo horjeedeen oo ay ka mid ahaayeen Xisbiyadii Hawl iyo Hanti wadaagii iyo kuwii Dimuqraadiga ahaa (Communist and social Democratic Parties) qaar la hanuuniyo wax la xidho iyo wax la xasuuqo.

Naasigii ayaa yeeshay  tirada ugu badan kuraasta Baarlamaanka dalka Jarmalka 1934, iyagoo ururadii kale ka dhigay sharci daro dimuqraadiyadiina waxa lagu riday god dheer.

Adolf Hitler ayaa noqday hogaamiyaha dalka Jarmalka  (Führer).

Weeraradii uu qaaday Xukunkii Naasigu.

Sidaaba markii uu u noqday hogaamiyaha Jarmalka ((Führer of Germany). Hitler wuxuu bilaabay inuu guluf geliyo ciidamadiisa isagoo ku dhaqajiyay wadmada jaarka sida Polan. Weerarkaasina wuxuu keenay inu bilaabmo dagaalkii 2baad ee aduunku. Wadamada reer galbeedka sida Faransiiska, Biljamka,iyo Holland ayaa ku sifeeyay falkaas inuu yahay mid uu Jarmalku ku doonayo inuu guumaysi.

Si kastaba ha ahaatee wadamada bariga sida Poland iyo Soviet Union ayuu damcay inuu dhulka ka qaado isla markaana dadyowga dega ee la yidhaahdo Slavic ayuu adoonsi iyo in la laayo qorshaystay.Naasigu wuxuu xulufo la samaystay Wadamo yurub ah, sida Talyaaniga iyo Finland.

Wadamada gaashaan buurta la ah iyo kuwa uu xooga ku qabsaday marka la eego ayaa siisay awood dheeraad ah oo uu yurub inteeda badan ku maamulay.

Dadkii Xukunkii Naasigu Xasuuqay.(the Holocaust )

Xasuuqan, malaayiin Yuhuud ah iyo dadka Roma ee loo yaqaano (“Gypsies”) dadka laxaadka la’ kuwa dhaqamada xun iyo siyaasiyiintii kazoo horjeeday Siyaasadda Naasiga iyo dad badan oo kale  ayaa loo diray xerooyin lagu baadho iyo Xerooyin lagu laayo inta la dilayo kuwaas oo ku yaalay Jarmalka iyo Poland.

1945 ayaa dawladihii midowga Soviet Union ay qabsadeen magaalada Berlin ka dib markii ay sixun u jabiyeen dawladii Jarmalka oo daandaansi ugu tagtay dhulka Ruushka. Ciidamadii Ruushka ee la yidhaahdo  Soviet Red Army iyo kuwii Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa ku kulmay Berlin ka dib markii ciidamada Jarmalku ay galeen Normandy oo qayb ka ah dhulka Faransiiska 06/06/1944. Naasigii wuu guuldaraystay maxaa yeelay xulufada kale way ka lacag iyo tiraba badnaayeen.

Ka dib qabsashadii Berlin waxaa la sheegaa in Hitler is dilay xaaskiisii cusbayd ee Eva Braun iyadana inta uu dilay ka dib labadoodaba ay gubeen ciidamadiisii. Naasiyiintii kale ee waaweynayd oo uu ka mid ahaa  Joseph Goebbels oo maalin uun ka hor qabsashadii Berlin sheegay inay guuleysteen  waxaa la sheegaa inuu is dilay.

 

Xigasho :=-

  1. Fritzsche, Peter. Germans into Nazis, Cambridge, Mass.: Harvard University Press, 1998; Eatwell, Roger, Fascism, A History, Viking-Penguin, 1996. pp. xvii-xxiv, 21, 26–31, 114–140, 352. Griffin, Roger, “Revolution from the Right: Fascism,” in David Parker, ed., Revolutions and the Revolutionary Tradition in the West 1560-1991, London: Routledge, 2000
  2. Jump up↑Valdis O. Lumans (1993). Himmler’s Auxiliaries: The Volksdeutsche Mittelstelle and the German National Minorities of Europe, 1933-1945. Univ of North Carolina Press. p. 20. ISBN978-0-8078-6311-4.
  3. Jump up↑Robert Gel lately; Nathan Stoltzfus (2001). Social Outsiders in Nazi Germany. Princeton University Press. p. 216.
  4. Jump up↑the first supplemental decree of the Nuremberg Laws extends the prohibition on marriage or sexual relations between people who could produce “racially suspect” offspring. A week later, the minister of the interior interprets this to mean relations between “those of German or related blood” and Roma (Gypsies), blacks, or their offspring.

Liban Yusuf Tani

Madaxa Shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda &Iskaashiga Caalamiga ah Jamhuuriyada Somaliland.