DIIRADA CAAFIMAADKA & DARYEELKA DADWAYNAHA: Qaybtii 2-aad, Qalinkii: Doctor Jamaal Axmed Muuse.

0
462

Gorfeynta & Falanqeynta Arrimaha Caafimaadka, Adeegsiga Diirada Fogaan araga, Daahfurka, Wacyigalinta, & Noolaynta Ka Hortaga Dilaaga Dedan”

MEELAHA UU KA DHICI KARO CUDDURKA DAACUUN:

Haddii aan wax ka xuso meelaha uu ka dhici karo cuddurka halista badan ee Daacuun, waxaan tusaale usoo qadan karaa meelahan soo socda:

  • Wuxuu ka dhici karaa waddamada danyarta ah ee aan yaraatee haysan nadaafad guud iyo biyo nadiif ah oo ku filan.
  • Wuxuu ka dilaaci karaa waddamada la dhiban aafada dagaalada oo laga yaabo in ay ka burburaan kaabayaasha guud, sidda dhismayaasha, biriijyadda, waddooyinka iyo hanaanka tamarta korontada.
  • Wuxuu ka qarxi karaa meelaha ay ka jirto abaarta, macaluusha iyo deegaamada isku raranta ah sida xeryaha qoxootiga iyo goobaha dadka lagu quudiyo.
  • Wuxuu dhibaateeyaa waddamo badan oo ka mid ah kuwa soo koroya sida kuwa Afrika, Aasiya, & badhtamaha iyo koonfurta qaarada Ameerika.

Halkaa waxaa ka cad in cuddurka kan Daacuun laga filan karo geyiga somalida ee abaartu halista ku hayso maanta. Sidaa darteed, walaal ma la socotaa xaalada ka taagan degmadeena?. Haday jawaabtu haa tahay, bal ku dhereri sheegmada sare ku xusan xaalada geyiga ka jirta ee dadka soomaaliyeed ay ku sugan yihiin maanta. Waxaan halis ugu jiraa xaalad adag iyo cuddurro badan oo sababi kara shuban biyood ee fadhiga ha laga kaco.

HABKA FAAFIDA CUDDURKA DAACUUN:

Run ahaantii cuddurka Daacuun, waa mid ku faafa amma ku fida liqida cuntada iyo cabitaanka biyaha wasakhaysan. Faafida cuddurkani waxay u dhacdaa labo siyaabood oo waawayn. Kuwaasi oo kala ah faafid toos ah iyo mid dedban oo ka timaada wasakhaynta cuntada iyo biyaha ee sindhada “Saxarada” amma mataga, ka dibna waxyeelo wayn ayuu gaadhsiiyaa aadmiga uu asiibo.

La soco oo ha ilaabin in cuddurka daacuunku yahay mid kaliya asiiba aadmiga, oo aannu jirin cayayaan gudbiya iyo xayawaan marti galiye toona. Waxa adag in la iskugu gudbiyo taabashada jidhka, gacan qaadka & Waddaagida dharka, balse waxa jira arrimo kor u qaada faafida cuddurka kan.

Hadaba, haddii ad hoos isku waydiisay goorma ayuu qofku qaadi karaa cuddurka daacuun?. Waxaan ku leeyahay wuxuu qaadi karaa marka uu qofku cunno amma cabo cunto iyo biyo wasakhaysan. Khatarta ugu wayn ee cuddurka daacuunka faafisaana waa wasakhaynta Saxarada ee biyaha iyo wasakhowga cuntada. Xaqiiqdii fiditaanka cuddurkan, waxa kaalin waafiya ka qaadan kara biyaha iyo bilaacaddaha khashin sidka ee aan la daaaweyn.

WAXYAABAHA DHALIYA CUDDURKA DAACUUN:

Run ahaantii, cilmiyan cuddurka daacuun waxa sababa dulinka ilma qabayga ah ee la yidhaa Vibrio cholera, gaar ahaan nooca ku abtirsadda jilib hoosaadka “Vibrio cholerae bacteria of serogroups O1 and O139” waxa jira qodobo dhawr ah oo ka qayb qaata faafida cuddurka halista badan ee daacuunka, waxaana ka mid ah:

  • Dadka: Waa marka ay ku liitaan nadaafada iyo iska warhaynta shaqsiga ah “Low personal hygeine”.
  • Deegaanka: Waa marka nadaafada iyo bilicda guud ee goobta, degmada amma guud ahaan deegaanku liidato “Inadequate public sanitation”.
  • Biyaha & Cuntada: Waa marka ay wasakhaysan yihiin cuntada iyo biyaha dadku quutaan amma ay cabaan “Contaminated”.
  • Nafaqo-daro: Waa marka ay cuntadu yar tahay sida xiliyada abaaraha, waxayna kor u qaadaysaa u nuglaanta cuddurka daacuunka.

Dhanka kale waxaa iyaguna aad iyo aad ugu nugul qaaditaanka cuddurkan dadka ka shaqeeya arrimaha bini-aadannimada ee ka hawl gala goobaha ay ka dhacday masiibada daacuun iyo dadka ku jira xeryaha qoxootiga amma goobaha quudinta dadwaynaha aafada abaartu saameysay ee isku raranta ah, oo laga yaabo in ay ku liitaan nafaada guud iyo addeega suuliyada.

WAXYEELADDA CUDDURKA DAACUUN:

Waxyeeladda uu leeyahay cuddurka daacuun waa mid aad u wayn oo aan qormo iyo laba toona lagu soo koobi karin. Haseyeeshee waxaan maanta ka hadli doona siyaabaha amma hanaanka fulinta dhibaateynta uu aadmiga gaadhsiiyo marka uu asiibo. Runtii marka bakteeriyadu ay gaadho mindhicirka aadmiga waxay adeegsataa labo walxood oo la isku yidhaa ilma “Antigens”. kuwaasi oo u kala baxa labo ardaa oo kala:

  • Walax timo dheer ah qaab ahaan“Flagellar H antigen” oo sababa dhaqdhaqaaqa bakteeriyada.
  • Walax unugeed“Somatic O antigen”, waayo waxay degan tahay gidaarka unug yaraha ilma qabatayga bakteeriya ee la yidhaa gram negative iyo postive.

Sidoo kale, Waxa xusid mudan in noocyada ilma qabayga daacuunka keena ee Vibrio cholera loo kala saaro labo waaxood oo waawayn, kuwaasi oo kala ah:

  • Nooc waxyeelo wayn gaadhsiiya aadmiga “Pathogenic strains” iyo
  • Nooc aan waxyeelo lahayn oo la yidhaa “Non-pathogenic strains”.

Inkasta oo tirada guud ee Vibrio Cholera lagu sheego in ka badan 200 oo nooc “More than 200 serogroups of V cholerae”. Hadana waxa la xaqiijiyay in labo nooc oo ka mid ah 200 ee nooc ay gaystaan waxyeeladda ugu badan. Kuwaasi oo la kala yidhaa“V-cholerae O1 and V-cholerae O139”. Balse xiliyadan danbe waxaa la ogaaday in ay jiraanlabo nooc oo kale. Kuwaasi oo ah kuwo dhibaato wayn u gaysta aadmiga, kuwaasi oo kala ah “The El Tor biotype of V cholerae O1”. Hadaba, labadan ilma qabatay ee danbe, waxa loo sii kala saaraa dhawr jufo hoosaad oo kala ah:

  • Serotype Inaba – O antigens A and C .
  • Serotype Ogawa – O antigens A and B.
  • Serotype Hikojima – O antigens A, B, and C.

Guud ahaan, noocyada kala gedisan ee ilma qabayga sababa cuddurka daacuun ee la yidhaa Vibrio Cholera ayaa ka siman soo saarida sun aad u awood iyo tamar badan oo la yidhaa enterotoxin. Waxayna dhiirigalisaa in dareeraha dhiiga iyo walxaha dhiiga la socdaaba ay tagaan marinka mindhicirka yar ee ka tirsan habdhiska dheefshiidka. Tani ayaa aad u sahlaysa in xanuunku tisqaado oo uu si sahlan u dhaco. Inkasta oo ay ku xidhan tahay cudduda iyo cadadka jeermiska ah ee qofka soo gala. Ka dib marka difaaca qofka la jabiyo waxaa muuqanaya calaamadihii cuddurka oo bahda caafimaadku aad u wadda taqaan. ………………….La soco qaybo kale oo aad xiiso badan.

Jamal A. Muse, Kuala Lumpur.

jamalabdiya@gmail.com/dankaabo@hotmail.co.uk/hirdanheer@gmail.ocm.