SOMALILAND:Musharaxa Madaxweyne Ku Xigeenka Xisbiga WADDANI ayaa sii rasmi ah Xilkii ugu Kale Wareejiyey Gudoomiye Hore laanta Swizerland iyo Gudoomiyaha Cusub.

0
423
Hambalyo Iyo Warbixin Kooban Dhamaan Waan Salaamahayaa Dadka kan Ku midaysan Degaladan Looga Adeego Xisbiga Waddani 1.Waxan Jeclaystay inaan Idinla Wadaago Si dul Mar ah Booqashadii Murashaxa Madaxwayne Ku xigeen Ee Xisbiga Waddani Amb:Maxamed Cali Awcabdi Iyo Siyaasi Xasan Muse Khalif 2.Doorashada Hogaanka Cusub Ee ay Yeelatay Xisbiga Waddani Laantiisa Switzerland . Waxa Habeenkii Ay Bishu ahayd 16/04/17 Oo ahayd habeen Sabti ah Saacaduna ahayd 18:00 Ama 6:00 Maqribnimo Waa siiqada dhulkeeniiye Kasoo Degay Airport Zurich Murashaxa madaxwayne Ku xigeen Ee Xisbiga Waddani Amb Maxamed Cali Awcabdi Safarkiisa Oo uu Ku weheliyo Siyaasi Xasan Khalif Halkaas Oo ay si wayn ay ugu Soo Dhaweeyeen madaxda Xisbiga Waddani Ee Switzerland Oo ay Hormood Ka Ahayeen Gudoomiyiihii Golaha Dhexe Ee Xisbiga Waddani laantiisa Switzerland imikana ah gudoomiyaha Guud Ee Xisbiga Waddani laantiisa Switzerland Mawliid Cilmi Axmed Seef iyo Xoghayaha guud Xisbiga Waddani laantiisa Switzerland Maxamed Maxamuud Shirdon Waxa isna Madasha goobjoog Ka ahaa Gudoomiye Ku xigeen Cusub Maxamud Cabdillaahi Warsame Soo dhawayntaa madaarka Ka bacdi Waxay wafdigu nala wadaagtay Warbixin kooban Oo ay nagu siiyeen madaarka gudihisa Intaa Dabadeed Waxa wafdiga loo galbiyay Hotelkii ay Degi lahaayeen muddo nasniina markii ay Ku qaateen Waxa loosoo Qaaday Madashii Xafladu Ka dhacay say Halkaas Oo wax badan la isku waydiiyay Laguna Gorfeeyay Xaflada Oo labo Qaybood ahayd sida aan kor kusoo xusnay Qaybta hore waxay ahayd soo dhawaynta Madaxda nasoo Booqatay Qaybta labaadna waxay ahayd Doorashada Hogaanka cusub Ee Xisbiga Waddani laantiisa Switzerland Hadalka Waxa Furay misana Barnaamijka Hagayay Xoghaye Shirdon Waxa ugu sida Caadada inoo ahayd lagu furay Qawlka Ee quraanka kariimka Dabadeed Gud /Seef ayaa codbaahiyaha lagu Soo Dhaweeyay isaga Oo u mahadceliyay Wafdiga iyo Safarkoodan Taariikhiga ah Ee ay Ku yimaadeen Switzerland Waxa hadana codbaahiyaha lagu Soo Dhaweeyay Gudoomiye Ku xigeenka cusub Maxamud cabdillaahi warsame Isna Waxa tix gabay ah Oo wax ku ool ah Ka tiriyay Madashaa xidhiidhiyaha Xisbiga Waddani laantiisa Switzerland Mudane Cabdalle Waxa isna waano Dhaxal gal ah Soo jeediyay Odayga Somaliland Ee Oday Maxamed Cali Bashiir Waxa xusid mudane inay Afka haweenka Ku Hadashay Kiin Oo ahayd Qabanqaabiyaashii Xaflada Waxa hadal xaga siyaasada iyo Danta Xisbiga Waddani u badan Ka jeediyay Siyaasi Xassan muuse Khaliif Ugu Danbaytii Waxa Ka hadlay Murashax madaxwayne Ku xigeen Ee Xisbiga Waddani Amb:Maxamed Cali Awcabdi Isaga Oo Hadalo badan Oo dhaxal gal ah Ka dhahay Madasha si aan Ka gabasho lah ayna ugu Dhaliilay xukuumada wax qabad la,aantan Dalkan Iyo Dadkan u Horseeday taas Oo uu Ballanqaaday inay in badan Ka wanaagsanaan Doonaan Oo uu Xisbiga Waddani Hiil Iyo hooba Dadkiisa Dalkiisa Iyo Diintiisaba la garab taaganyahay Intaa Dabadeed Waxa Xilkii Gudoomiye Iyo Gudoomiye Ku xigeen Ee Xisbiga Waddani laantiisa Switzerland loo cimaamaday 1.Gudoomiye:Mawliid Cilmi Axmed ((Seef) 2.Gud/ku xigeen:Maxamud C/lahi Warsame Waxa Xusid mudan in Gudoomiyihii Hore Ee Xisbiga Waddani laantiisa Switzerland Maxamed Cismaan Abokor Oo laanta Xisbiga halkan Ka furay uuna ahaa Shaqsi Aad u firfircoon lalana shaqayn karo ayna Ka go,nayd inuu xisbigu xarumihiisa halkani ay Sii talaabsadaan anaga Oo dhamaantayo Aad u jeclayn inaan Sii wada shaqayno xaalado isaga Oo gaar ah awgeed ayuu Xilka gudoomiyenimo codsasay in laga wareejiyo isaga Oo aan goob joog ahayn Dalkana Ka maqnaa wuxuu Soo wakiishay Murashaxa madaxwayne Ku xigeen Ee Xisbiga Waddani Amb Maxamed Cali Awcabdi Hambalyo ayaan leehay Gudoomiyaha Cusub Mudane Mawlid Cilmi Axmed (Seef Gud/xigeen:Maxamud Cabdillaahi Warsame Waan ogahay waanan inigu kalsoonahay xilkaa Aad qaadeen inaad si mug,Miisaan leh misana Martabadi ayna Ka Madhnayn Aad u gudan doontaan Wabillaahi Tawfiiq Regarding:Xoghayaha /Afhayeen Xisbiga Waddani laantiisa Switzerland Mudane:Maxamed Maxamud Shirdon.
Kaafi Media
Hargeisa Somaliland