DIIRADA CAAFIMAADKA & DARYEELKA DADWAYNAHA: Qaybtii 3-aad,

0
491

Hargeisa(Kaafi media)Gorfeynta & Falanqeynta Arrimaha Caafimaadka, Adeegsiga Diirada Fogaan araga, Daahfurka, Wacyigalinta, & Noolaynta Ka Hortaga Dilaaga Dedan”

Caadiyan cuddurkani wuxuu ka mid yahay koox cuddureedka ku faafa biyaha iyo cuntada oo si degdeg ah usoo bandhiga matag iyo shuban. Kuwaasi oo loo yaqaan “Acute enteric disease”. Wuxuu leeyahay waxyeelo badan oo kala gedisan, balse waxaa la og yahay inta badan inuu yahay mid astaamo dahsoon “asymptomatic infections”.

Marka ay waxyeeladiisu fududdahay waxaa lagu arkaa shuban biyood degdeg ah, oo aanay la socon astaamo amma calaamado kale oo lagu xaqiiqsado cuddurka.

Hadii ay waxyeeladiisu daran tahayna wuxuu soo bandhigaa amma lagu arka qofka uu asiibo cuddurka daacuun, shuban biyood degdeg ah, matag, yalaalugo, iyo fuuq bax degdeg u dhaca.

Bukaanka noocan ah hadaan markiiba lala gaadhin fuuq celin iyo dawayn, waxaa la saadaaliyaa inuu saacado kooban gudahood habdhiska wareega dhiigu ku dumi karo oo u sabab u noqon karo dhimashada bukaanka. Calaamadaha waawayn ee lagu arko qofka uu asiibo shuban biyoodku waxaa ka mid ah:

  1. Shuban: Run ahaantii shubanka daacuunku waa mid u janjeedha dhinaca degdegsiimaha, oo si dhakhso ah u keeni kara fuuq bax halis ah. Qiyaastii hal litir oo dareere ah ayaa ka baxa halkii saac qofka cuddurkani asiibo. Muuqaalka sindhada amma Saxarada ayaa noqda midab isku badhsan “Pale & milky colour” oo caddaan ku jiro, balse aannu aad u muuqan, waxaana loo yaqaan “Rice-water stool”.
  2. Matag & yalaalugo: Yalaalugada waxaa la arkaa foolka amma wajiga koowaad ee cuddurka, hadii ay sii dabo dheerato oo ay saacado qaadato, waxay keentaa matag qayb wayn ka qaadan kara fuuq baxa bukaanka.
  3. Fuuq-bax: Wuxuu u dhacaa si degdeg ah, weliba wakhti yar ka dib marka la arko Calaamadaha cuddurka daacuun. Sheegmada heerka fuuq-baxa iyo halistiisu, waxay ku xidhan tahay kolba inta dareere ah ee bukaanka ka baxa. Sida la wada ogsoon yahay fuuq-buxu wuxuu degdeg u lumiyaa walxaha macdanta ah “Minerals or solid inorganic substance of natural occurrence” ee dhiiga aadmiga la socda. Ammuurtan ayaa ahmid aakhirka dhantaasha dheelitirnaanta walxaha muhiimka ah ee loo yaqaan Electrolytes sida Potasium, Sodium iyo Chloride.Hadaba cawaaqib xumada ka dhalata xaaladan waxaa loogu yeedhaa “Electrolyte imbalance”, waxayna muujisaa astaamo khatar ah gaar ahaan:
  • Muruq- garaac “Muscle cramps”. Waa natiijo ka dhalata lumida walaxda isku dhiska cusbadasodium chloride “Nacl2” iyowalaxda muhiimka ah eepotassium.
  • Argagax “Shock”: Tani waa waxyeeladda ugu daran ee fuuq baxa,waxaana yaraada xadiga dhiiga ah ee ku sugan habdhiska wareegga dhiiga. Taasi oo keenta xadidnaanta caddaadiska dhiiga iyo cadadka oxygen-ta jidhka ku jirta “A drop in blood pressure and a drop in the amount of oxygen in your body”. Hadii aan bukaanka daawo lala gaadhin, wuxuu u gudbaa marxalad adag oo la yidhaa “Severe hypovolemic shock”, oo laga yaabo in ay dhimasho u horseedo daqiiqado gudahood.

Ugu danbeyntii, guud ahaan ciyaalku calaamadaha lagu arko, waxay kala siman yihiin dadka waawayn, balse waxay aad iyo aad ugu nugul yihiin hoosaynta heerka macaanka dhiigooda ku jira “Hypoglycemia”. Waxaana sabab u ah fuuq baxa ku dhacay oo dhalin kara:

  • Miyir la’aan “unconscious”.
  • Suuxdin “Suizures”.
  • Koomo “Coma”.

HANAANKA BAADHITAANKA CUDDURKA DAACUUN:

Si kooban shuban biyoodka waxaa laga baadhi karaa meelo badan oo ay ka mid yihiin Saxarada iyo mataga qofka, cuntada iyo biyaha wasakhaysan. Waxaana loo adeegsan karaa baadhidooda dariiqyo kala gedisan oo ka kooban baadhitaan degdeg ah iyo mid muddo qaata.

Baadhitaanka degdega ah waxaa ka mid ah in Saxarada amma mataga la soo qaado oo la eego astaamaha ka muuqda muunada sidda midabka, urta iyo waxyaabaha weheliya “Dhiig iwm”.Deetana qadar yar oo ka mid ah saxarada iyo dhibic faleebo ah “Normasaline 0.9%” la isku laaqo, ka dibna lagu baadho Microscope-ka. Dariiqan amma jidkan waxaa loo yaqaan “Direct Method or direct examination”.

Baadhitaanka daaha amma mudada dheer qaata waxaa la yidhaa tubta korinta “Culture method”, halkan marka la joogo waxaa muhiim ah in la eego astaamaha koriinka bakteeriyada iyo adeegsiga baadhitaanka “Biochemical test” lagu kala sooco wax soo saarka kimikaad ee noocyada kala gedisan ee bakteeriyada. ………………….La soco qaybo kale oo aad xiiso badan.

Jamal A. Muse, Kuala Lumpur.

jamalabdiya@gmail.com/dankaabo@hotmail.co.uk/hirdanheer@gmail.ocm

Kaafi media

Hargeisa Somaliland