SOMALIA:Dab Markale ka Kacey Suuqa Bakaaraha ee Magaaladda Muqdisho oo lagu guuleystey Bakhtiintiisa.

0
529

Dab xalay fiidkii saacada geeska Afrika qabsadey qaybo ka tirsan suuqa Bakaaraha magaalada Muqdishu ayaa lagu guuleystey in la damiyo inta uusan fidin.

Gadiidka Dabdamiska dowlada hoose ee Muqdishu iyo gamacsato ayaa ka qayb qaatey bakhtiinta dabkaan oo qabsadey agaagarka suuqa loo yaqaan KHaliifa.

Saraakiil ka tirsan dowlada hoose Muqdishu oo la hadlay GO ayaa sheegey in dabkaan uu qabsadey habeenkii xalay qaybo horey u gubtey ee suuqa Bakaaraha iyadoo aan la aqoon sababta keentey.

Suuqa Bakaaraha ayaa waxaa horey qabsadey dabab kala duwan iyadoo sanadkaan gudihiisa marayo labo jeer.

Muqdisho