SOMALIA:Shir-guddoonka Baarlamanka Soomaaliya Oo Caddeeyay In Aanay Xog Rasmi Ah Ka Haynin Heshiiska Saldhigga Berbera Ee Somaliland Iyo Imaaraadka.

0
446

Muqdisho, (Kaafi medai)Guddoomiyaha Golaha Shacabka Dalkaasi Soomaaliya Prof, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari), ayaa fadhi Shalay ay isugu yimaadeen 143 mudane oo ka tirsan Golahaasi ku caddeeyay in aanu hayn heshiiska dhex maray Dawladaha Somaliland iyo Imaaraadka Carabta.

Proff Jawaari oo shir-guddoominayey kulankan ayey mudaneyaasha qaarkood ku eedeeyeen inuu ka caga jiidayo inuu ajandaha golaha ku daro mooshinka ku saabsan Saldhiga Ciidan ee ay Dawladda Somaliland magaalada Berbera ka siisay dawladda Imaaraadka Carabta.

Xildhibaan Cabdillaahi Sheekh Ismaaciil oo ka mid ah mudanayaasha golahaasi ayaa si toos ah u weydiiyey guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya su’aal ku saabsan Mooshin hore mudaneyaasha qaarkood ka gudbiyeen Heshiiska Dawladda Somaliland ku siisay Dawladda Imaaraadka Carabta inay ka samaysato Saldhiga Ciidan magaalada Berbera.

Su’aasha Xildhibaan Cabdillaahi Sh Ismaaciil uu weydiiyey Proff Jawaari ayaa u dhigneyd sidan “Aniga oo ka mid ah xubnihii mooshinka ka keenay Saldhigga Ciidan ee Dawladda Imaaraadka Carabtu ka samaysanayso Magaalada Berbera ee dalka Somaliland, Waxa la isweydiinayaa golahan dhexdiisa mooshinkii aan wax ka saxeexay ee ku saabsanaa arrintii Berbera, guddoomiye waxa jirta xan ah inaad rabto in mooshinkaasi la danbeysiiyo si fadhiyada baarlamaanku uga xidhmaan, laakiin se waxaan kaaga fadhiyaa mooshinkaasi oo la qaybiyey in dood la galiyo oo uu nasiibkiisa qaado, haddii ay tahay in la ogolaado iyo in la diidoba”.

Proff Jawaari oo u jawaabaya xildhibaankaasi ayaa waxa uu yidhi “Xildhibaan Cabdillaahi wuxuu soo jeediyey in mooshinkaasi dood la galiyo, laakiin talo ahaan annigu waxaan soo jeedin lahaa Mooshinkaasi annagu ma hayno tafaasiishiisa, wax la galay, heshiisku nooca uu yahay iyo sida uu yahay ma hayno ee waa in Xukuumadda u gudbiyo oo aan idhaahdo tafaasiil nooga keena heshiiskaasi wuxuu yahay bisha bisha July, laakiin in aan diido iyo in aan ansixiyo midna aniga shaqadayda maaha”.

Hadalka Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa u muuqda in Xildhibaannada Mooshinka u gudbiyey in aanay Mooshinkooda ku faahfaahin waxa Heshiiska ay diiddan yihiin yahay, sababtay u diidayaan, laakiin ay Warqad ay Magacyadooda ku qoreen isla-markaana ay Saxeexeen oo keliya u gudbiyeen, taasi oo keentay in Shir-guddoonku u baahdo faahfaahin ku saabsan Heshiiska dhex maray Dawladaha Somaliland iyo Imaaraadka Carabta ee ku saabsan Saldhigga Berbrera.

Kaafi media

Hargeisa