SOMALIA:Maxkamadda Ciidamadda Qalabkasida oo Xukun Dil ah ku Fulisay Xubno ka Tirsan Kooxda Al-shabaab ee Somalia.

0
594

Maxakamaada Ciidamada Qalabka sida ee soomaaliya ayaa Xukun Dil ah kufulisay 4 ruux oo ka danbeeyey Qaraxyadii Mataanaha ahaa ee ka dhacey Maqaayadaha Beder iyo Reero 28/ bishii labaad ee sanadkii la soo dhaafey Qaraxyadaasi oo ay Ku dhinteen 80 Ruux sidoo kalena ay ku dhaawacameen 45 kale.

Xubnaha Dilka Lagu Fuliyey Magacyadoodda.

1 Xasan Aadan Mursal

2 C/ladhiif Macalin Aadan C/raxamaan

3 Siyaad Xasan Faarax

4 Sharmad Aawaw Maxamed

Kuwaas oo Xafiiska Heer ilaalinta Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya kusoo eedeeyey in ay in ay ka tirsanyihiin Ururka al shabaab islamarkaasina  abaabuleen Fuliyeena Qaraxyo dad Badani ay ku dhamaadeen.

Waxaana maxakamada Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya Maanta afartaasi ruux ay ku fulisay dil toogasho ah , iyadoona Fagaaraha Xukunka Lagufulinaayey ay joogeen Gudoomiyaha Maxakamada Sare ee Ciidamada  Qalabka Sida ee soomaaliya janaraal Liibaan Cali yaraw . iyo Gudoomiyaha Maxakamada Derjada 1 aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya Xasan Cali Nuur  Shuute

Waxaana Xukunka Maxakamada Kudhawaaqaya DHAME Muumin Xuseen C/laahi Kuxigeenka Heer Ilaaliya Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya.

Kaafi media

Muqdisho