Safiirka Somaliland Ee Faransiiska Oo Ku Hawlan Ururinta Qaadhaanka Ka Soo Kabashada Abaarta

0
103

Hargeysa(Kaafimedia)  Safiirka Somaliland u jooga dalka Faransiiska Danjire Cali Ismaaciil ayaa magaalada Oshey ee dalkaasi kulan kula qaatay hoggaanka Jaaliyadda Somaliland ee halkaasi ku nool kuwaas oo uu kala hadlay sidii ay u bixin lahaayeen lacago kaga hagaagay qaadhaanka ka soo kabashada abaaraha ee Somaliland.

Jaaliyadda ayaa kulan ay la qaateen Danjiraha kadib sheegay in ay diyaar u yihiin bixinta qaadhaanka. Haldoorka Jaaliyadda magaalada Oshey ayaa sheegay in ay isla qaateen Safiirka in ay lacagta ku soo haggaagtay bixiyaan bisha 12-aad, islamarkaana ay aqbaleen lacagta laga doonayo oo qayb ka ah qorshihii madaxweynaha Somaliland dejiyay ee dalka iyo dibadda lagaga ururinayay qaadhaan lagaga soo kabanayo abaaraha, islamarkaana lagaga hor taggayo abaaraha dambe.

Danjire Cali Ismaaciil ayaa isna u mahadceliyay jaaliyadda Somaliland ee uu kulanka la qaatay waxaanu soo jeediyay in la wanaajiyo doorashooyinka Somaliland ku soo foolleh “Waxa inagu soo fool leh doorashadii aynu ku caano maalnay ee tilmaanta wanaagsan lahayd ee dimuqraadiyadda salka ku haysay, waxaan ku boorrinaya in ay dhawraan dimuqraadiyadda oo halka ay joogtay ka sii amba qaadan,” sidaas ayuu yidhi Safiirka Somaliland ee Faransiisku.

Waxa kale oo uu bulshada Somaliland ku boorriyay in ammaanka la ilaaliyo xilligan doorashooyinku soo fool leeyihiin, waxaanu si gaar ah ula dardaarmay beelaha xurguftu u dhexayso “Waxa kale oo aan halkan baaq nabadeed uga jeedinaya walaaluhu waa isu abti iyo inaadeer, dhulku ma guuro oo meel la kala tagi maayo ee wixii la hayo dhulka hala dhigo ayaan odhan laha oo wixii aynu ku caano maalnay aynu ku noqono taas oo ay ku jirto nabadda, wada noolaanshaha iyo sinnaanta,” sidaas ayaa ka mid ahaa hadalka Danjiraha.

Kaafimedia.