NOLOSHII XUMAYD WAXAA IGAGA DARAA JACAYLKII XUMAA.

0
200

Maan arag sheeko sidaa ii saamaysa intaan sheeko akhriyayey ama aan qorayey amaba cidi iiga sheekaysay, waxay ahayd mid dareenkayga ruxday oo aad ii gil-gishay hadii aan la iga sheekayn xataa maan sawiran kareen oo marna niyadayda kumaysoo dhacdeen inay dhici karto arin noocan oo kale ah.

Waa wiil ku nool magaalada burco ee gobolka togdheer , wuxuu iga codsaday inaan qariyo magaciisa, iimuu shegin dadiisa dhabta ah sababtoo ah waxaa noloshiisa soo foodsaaray caqabado nololeed oo u saamixi waayey inuu si dhaba u aqoonsado taariikhda saxda ah ee dhalashadiisa laakiin qiyaas ahaan dadiisu waa inta u dhaxaysa 25-28 jir bidhaantiisa kamay muuqan diif iyo dhibaato laakiin sheekadiisa waxaa ka muuqatay hibato  oy, xasuus naxdin leh iyo taariikh tiiraanyo nololeed leh.

Mararka qaarkood waxaan inyar iskaga qabanayey inaan wiilkan idhaa sheekada halkaa iigu jooji waayo may ahayn sheeko qof qalbi jilicsani dhagaysan karo, waxba yaanan hadal idinku daaline waxaan si toosa u gudo galaya sheekadii aad iga sugayseen , shaahbaanu dalbanay isla wuu ii bilaabay sheekadii oo wuxuu yidhi:-

Waxaan ku dhashay miyiga koonfurta burco intii u dhaxaysay 1988-1992 waxaan ahaa curad sidoo kale waxaan ahaa guri danbays, waxan xasuusta  goor maqriba ayey hooyaday biyo noo daantay oo barkada noogu aroortay inyar ka dibna waxaan maqlay qaylo oo waxaa dhagahayga soo gaadhay inay hooyaday ku dhacday barkada, xanuun iyo murugo aanan waxba ka qaban Karin oo aan waliba u da yaraa markaan bilaa hooyo noqday waxaan u nuglaaday nabsida iyo kalsooni darada koriinkayguna wuu naaqusmay oo waxaan noqday qof guri kasta oo uu joogo marti ku ah.

Ayeyday hooyo  ayaa isoo qaadatay oo I keentay magaalada burco oo ay deganayd iyada I korisay oo isoo kaalin galisay dadkana way I iga jeclayd oo waxaa ilaahay iga abuuray curdeedii oo ay dadkaba ugu jeclayd si kastaba ha ahaatee waa la igu daray malcaamad quraan.

Daalaa dhaca nolosha iyo dhiiri galin la,aanta ee aan ka dhaxlay geeridii hooyaday waxay I bartay ama ay igu reebtay habacsanaan iyo firfir-cooni daro,waxaanay wakhtiyada qaarkood markan arko caruur hooyadood canaananyso oo ay leedahay soo hoyda ama waxaasi waa ceeb ama ay leedahay wax akhrista waxaan dareemayey inay qaybtaasi I maqan tahay oo wll waxaan ilaa imikaba xasuusanahay oo iga hadhi la marka caruurta aan la ciyaarayo qaar kkod loo yimaado ee la yidhaa maxaad ka ag qabanaysaa waxan dibjirka ah , runtii anigu ma ihi dibjir umanaan dhalan lakin intii hooyonimo ayaa I maqnayd ilaahay ha u naxariistee.

Afar sano markaan malcaamadii dhiganayey oo aan ku dhahay inaan quraankaba dhameeyo ayaa hadana waxaa subax subaxaha ka mida la iisoo sheegay  geeridii aabahay oo isna maray wadadii hooyaday martay waxaana ilaahay sabab uga dhigay isla adeerkay oo xabada kaga baxsatay ama kaga dhacday allah yaa arxama.

Intaa ka dibna waxay noloshaydii noqotay mid ay ka maqan tahay  tiirarkii lagama maarmaanka u ahaa nolosha , waxaan noqday AGOON ,RAJAY,CURAD GURIDANBAYS AH.

Markii wakhti kasoo wareegay geeridii aabahay oo anay wali igaba bi,in xasuustii geeriyihii kala duwanaa ee ila kulmay ayaa maalin maalmaha ka mida oo aanu kadis aqooneed u tagnaya magaalada sheekh ayaa goor galin danbe ah oo aanu ku laabanay magaaladii aanu kasoo kicitinay ee burco waxaan la kulmay ayeyday oo intii aan maqnaa faalig ku dhuftay oo iyana geeri iyo nolol u dhaxaysa mudo badan ayey qaadatay inay sii waraaqdo oo xanuunku kusii cuslaanayey aakhirtkiina teedii ayey noqotay  oo way god gashay taasina waxay igu noqotay huq sadexaad oo aanan kasoo kaban karayn lakin waxay ahayd uun imtaxaan alleh.

Si kastaba ha ahaatee wan lasoo gurguurtay oo wan lasoo tacaalay qaababkii kala duwanaae ee noloshayda waxaanan dugsigii hoose iyo kii dhexeba ku dhamaystay magaalada burco ,intaa ka dibna waxaan bilaabay inaan iska xoogsado oo aan gacantayda ku ciil baxo waxaanan bilaabay inaan meel kaalin shidaal  ah baabuurta ku maydho, dad badan iyo asxaab badan ayaanu meesha isku barangay runtiina shaqadaydu waxay ahayd mid toosan oo aan dhac-dhac lahayn mulkiilhii kaalinta iyo shaqaalhihii kaalintuna waxay u bogeen shaqadaydii xaqiiqna wax kibir ahi igamuu muuqan oo waxaan ahaa mid ku qanacsan shaqadiisa iyo kaalinta uu bulshada kaga jiro.

Mudo sanad iyo bil ah ka dib ayaan ka mid noqday shaqaalaha kaalinta ee qaybta shidaalka waxaanan si gaara hayey shaqada ku shubista shidaalka ee baabuurta hormarkayga xaga bulshada iyo dad dhexgalkayguna wuxuu noqday mid aad u wanagsan  mudo aan badnayn ka dibna waxaan ku biiray qaybta tukaanka(super market) oo aan ka shaaaloobay , waxaana guud ahaan kordhay sumxadaydii iyo dhaqaalahaygii oo waxaan dareemay dhadhanka tacabkii aan soo galay waxaanan si talabo talaabo ah usoo ilaawayey NOLOSHII XUMAYD .

Laakiin waxaa igaga daraa JACAYLKII XUMAA oo maalin maalmaha ka mida anoo shaqada ku jira yaa waxaa isoo galay laba hablood oo goobta aan joogo ka tukaanaysanayey soo dhawayn ayaan kala hortagay sida caadada u ah shaqaalaha meheradaha canka ah, hablihii ayaa soo galay meheradii waa xasuus cajiibee mid ka mida hablihii ayaaba noqotay dayax kasoo baxay meherada oo aan mudo daawanayey,milicsanayey ,muhanayey waxaanan la kohday kalmado wakhtigii soo jiidashadu iga keentay lakin nasiib wanaag kalmadahani inantii way soo jiiteen oo waxaan ka dareemay dabacsanaan iyo hadalo furfuran isma ogiye hadalkaygii ayaa sii batay oo waxaaban ilaaway iibinta meheradii an masuulka ka ahaa.

Waxaan xasuusta oo niyadayda ka bixi la inaan anigu inanta u doorayey waxay qaadanayso oo xataa hablihi aan dalabkoodii afduubay waxba yaanan hadal kugu daaline anigoo usoo guraya hablaha alaabtii ayaan maqlay odhaah kasoo yeedhay inanta oo ay tidhi……………………………………………

la soco 15/08/2017 khamista 11:00 Am

Waxa Qoray Nasri  Sheekh Yusuf.