Qofka Yidhaahda DP World Waxba May Soo kordhin Waa Beenaale Shicibka Marin Habaabinaya: Waa kuwan Waxay Shicibka iyo Dekeda Ka Qabatay.

0
139
  1. DP World waxay ugu deeqday dad kii abaaruhu waxyeeleeyeen 4.5 million litir oo biyo ah. Taasu waa waxwabad shicibkeena abaartu wax yeelaysay ay ugu deeqday.
  2. Waxay kale oo 3000 oo reer oo dan yar ah ugu deeqday raashinkii ku filan bill ama 30 casho bishii Ramadan. Taasu waa waxqabad.
  3. DP World waxay bil kasta taageertaa 10 school oo ku yaala Saaxil oo ka mid yihiin SOS Sheikh, Dan Duco school, Hira Primary, Lixle, Marine University. Taasu waa waxqabad deegaanka ah.
  4. DP World waxay si tops ah u taageertaa Dhakhtarka Berbera, Masjidkii Berbera, Malcaamado ku yaal Berbera. Taasu waa waxtar toosa oo deegaanka ah.
  5. DP World waxay balan qaaday inay $800,000 dollar gelinayso Saaxil sannad kasta. Taasu waa waxtar buuxa oo cid kale laga helaynin.
  6. DP World waxay siisay shaqaalihii retirement ka galay pensionkoodii. Shaqaalihii hadhay waxa loo labanlaabay mushaharkii, waxa la siiyay tababar dheeraada, dekedii waa la casriyeeyay.
  7. Qalabkii cusbaa ee la soo ibiinayay waxa la filayaa inuu yimaado dhamaadkeeda bisha October ama horaanta bisha November. Qalabkaas oo casriyay doona dekeda.
  8. Waxa intaaba dheer isticmaalkii dekeda oo kor u kacay, Marakiib waawayn oo intii hore ka badan oo timi. Nasiib darro tanu waxay keenay in maraakiib yar yar oo bagaashka keeni jiray ay sugaan in rarka laga rogo mudo ka yara dheer tii hore. Taasuna waa mid si hawl yar loo Xalin karo si dhakhso ah.
  9. Qofka maanta weeraraya DP World ee odhanaya waxba soo may kordhin, qof doonaya inuu shicibka Somaliland been u sheego oo beentaasuna waxtar siyaasadeed u soo kor dhiso. Laakiin shicibkeena iyo siyaasiyiinteenu weeraraan dadka waddanka maalgashaday taasu waxay u noqonaysaa qofka dambe cashar oo cid dambe qarankan ku soo dhiiran mayso.

Muwaadinoow ogow qofka beenta raba inuu siyaasad wanaagsan ka dhigto, iyo waxyeelada qarankan soo gaadhaya marka la weeraro dadka shicibkeena waxtaraya.

Rashiid Garuuf,usa