Tahriibayaal Laga Soo Badbaadiyay Xeebaha Dalka Spain.

0
104

Ilaalada xeebaha dalka Spain ayaa soo badbaadiyay ku dhowaad lix boqol oo qof shan iyo toban doon—oo ka soo shiraacday dalka Marooko.

Saraakiisha dalkaasi ayaa sheegaya in doomaha dalkaasi gaaray ay saddex jeer ka badan yihiin kuwii sanadkii hore, kuwaas oo ay saaran yihiin muhaajiriin. Qaramada Midoobay ayaa sheegeysa in siddeed kun oo qof ay tageen dalka Spain sanadkan.

In ka badan boqol iyo labaatan qof ayaa loo maleynayaa inay ku quuseen xeebaha Spain iyagoo isku dayaya inay dalkaasi gaaraan.

Tiro intaa ka badan – ku dhowaad boqol kun – oo ka tegay dalka Liibiya ayaa gaaray Talyaaniga tan iyo bilowgii sanadkan.

bbc